Somali News
    Hees  

Mark Bowden Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimo ee Somaliya

Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Mark Bowden Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimo ee Somaliya

Mark Bowden xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo ka dhawaajiyay in Xiligan ay xaalado abareed ay ka jiraan deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden ayaa tilmaamay in xaalado aadamnimo oo halis ah ay ka jiraan Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku ogaadeen xog-ururin dhawaan ka sameeyeen Dalka.

Xoghaye Bowden oo wareysi siiyay laanta afka Somaliga ee VOA-da ayaa sheegay in xog-ururinta ay ku ogaadeen in dadka qaarkood ay uga barakaceen deegaannadii ay ku noolaayeen oo ku yaalla Bay iyo Bakool cabsi ay ka qabaan gaajo waxayna gaareen xeryaha qoxootiga Doolow Addow ee dalka Ethopia.

"Xogta la ururiyay waxaa lagu ogaaday in meelaha qaarkood ay xalaadoodu ay roon tahay halka meelo kalena ay khatari ka jirto, waxaana taasi ay saameyn ku yeelanata xaaladda nafaqo ee dadka ku nool," ayuu yiri Bowden.

Sannadii lasoo dhaafay ayaa abaarro ku dhuftay dalalka ku yaalla geeska Afrika waxaa ay noqotay abaartii ugu xumayd muddo 60-sano ah, taasoo saameyn ku yeelatay dad lagu qiyaasay 11-milyan oo Ruux.

Sidoo kale, Bowden wuxuu sheegay in 3,600,000 qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar deg-degga ah, isagoo intaas ku daray in dagaaladu ay yihiin kuwa qayb ka qaadan barakaca ay dadku sameeyaan.

Mark Bowden Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dadkii ku noolaa degmada Balcad oo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM la wareegeen toddobaad ka hor ay qaar ka mid ah ka barakaceen halkaas inkastoo aanu jirin dhibaato uga timid dhinaca ciidamada la wareegay Magaaladasi.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)