Somali News
    Hees  

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidah oo qabatay Koob Lagu maamuusayay 1-da July

Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidah oo qabatay Koob Lagu maamuusayay 1-da July

Koobkii Munaasabadda 1da luulyo ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka weyn ee Spire ee ku yaal magaalada jidda boqortooyada Sacuudi carabiya waxaana munaasabaadaasi kasoo qeyb galey mas’uuliyiin ka socota Towciyadda Jaaliyada Jidda, Ururka Yaqshiid, qaar ka mida Ciyaaryahanadii waaweynaa ee berisamaadkii wadanka soo ciyaari jirey iyo Dadweyne aad u fara badan oo buux dhaafiyey garoonka ka hor inta aysan bilaawanin ciyaartaasi waxaa halkaasi lagu qaadey heestii astaanta calankeena oo runtii kaga ilmeysiisey dhamaan mas’uuliyiintii , Madaxdii Kooxaha , ciyaartoyda, iyo dadweynihii i kasoo qeybgaley daawashada ciyaartaasi .

Iyadoo halkaasi khudbado gaagaaban kana hadleysa taariikhda iyo halgame yaashii ka soo jeediyeed marti sharaftii iyo mas’uuliyiinka maamulka xiriirka kubbadda cagta ee jaaliyadda soomaaliyeed magaalada .

Intaasi ka dib, waxaa halkaasi ka bilowdey ciyaartii lawada sugaayey oo ay dhexmartey Kooxaha Xiddigaha Kakane iyo Xiddigaha Ruweys .

90 daqiiqadood waxaa leyku mari waayey 1 : 1. Waxaana halkaasi loogi dhigey rigoorayaal waxaase uu nasiibka saacidey inay kooxda xiddigaha kakane 6 : 5 kaga adkaadaan kooxda xiddigaha ruweys .

Kuna guuleytesteen Koobkii munaasavba koobka 1da luulyo .

Wareysi gaaban oo aan la yeelaney Tababare Faarax yaanyo wuxuu yiri inuu aad ugu qanacsan yahay natiijada ciyaarta isla markaana ay u qalantey kooxda xiddigaha kakane guushaasi .

Sidoo kale tababare Xuseen isna wuxuu yiri inkastoo aan ku guuleysaney koobkan, si sahlan uguma aan guuleysan waayo xiddigaha ruweys waa koox aad iyo aad u adag laakiinse nasiibka ayaa naa saacidey

Waana ku faraxsan nahay qabanqaabada ay maamulka xiriirka kubbadda Cagta ay u sameeyeen munaasabadaan .

Waxaana Munaasabaadaasi si heer sare ah u qabanqaabiyey Maamulka Xiriirka Kubbadda Cagta guud ahaan, mas’uuliyiintii sida gaarka ah ugu dhex muuqdey waxaa ka mid ah :

Salaax Baajaabir, Cali Maxamed Colaad ( Cali Baashin ), Abii Xaaji Baraf, Cali Cambuulo, Yacquub Axmed Maxamuud, C/qaadir Seylac , Guddoomiyeyaasha kala ah C/risaaq (Jalla), Maxamed enow, Cumar Kubi, C/naasir , Kalaay, Ciise gacamey, Xasan qoonley .

Sidoo kale waxaa isna la ciyaarey Ciyaaro ka tirsanaa tartanka koobka waxey isku arkeen kooxaha sida tan :

- Kooxda Iftin Star iyo Sharbatle waxaa 2 : 0 ku adaadey kooxda iftin Star

- Kooxda Blue Stars iyo Kooxda Muqdisho waxaa 2 : 0 ku adkaadey Kooxda Blue Stars


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)