|
Ciidamada Kenya Oo Habeenkii Labaad Raaf Xoogan Ka Geestay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Kenya Oo Habeenkii Labaad Raaf Xoogan Ka Geestay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
Ciidamada koofiya casta ee dowladda dalka Kenya ayaa habeenki labaad ka wada xaafada Soomaalida ku badan tahay ee isliii raaf xooggan.
Ciidamada howlgalkani wada ayaa lagu daadiyay Wadooyinka waaweyn ee Xaafadda islii , iyadoona inta badan Soomaalida ku dhaqan Xaafadda islii ay guryahooda ku sugan yihiin habeenkii labaad oo aan wax dhaq dhaqaaq aysan jirin.
Wadooyinka 8-ka, 7-ka iyo 6- 5 -ka ayaa intabadan ay Ciidamada howlgalada xalay iyo habeen hore uu ka dhacay,Lamana oga sababta ka dambeysa rasmiga ah ee ka danbaysay raafkani habeenki labaad ka socanaya xaafadaasi.
Waxaana Weli Xabsiyada Magaalada Nairobi ku jira qaar ka mid ah dadkiihabeenki Xalay Ciidamadu guryahooda iyo Hotelada aay deganayeen kala baxeen.
Howlahani qab qabshada ah ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha Dalka Kenya M.r Kibaki ka dhawaajiyay in aay shabaab kula dagalamayan gudaha kenya iyo Soomaliya intuba.
Dhawaan ayaay aheed markii qaraxyo is daba yaala aay ka kala dhaceen magalooyinka ugu waa waaweyn dalka kenya oo aay ugu danbaysay Magalada Garisa.
Nuur Ismail Sheikh
E-mail nuur.usa@hotmail.co
Nairobi Kenya
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|