|
Murashax Saciido Maxamed Goobdoon oo u sharaxan golaha deegaanka magaalada Heslinki ayaa kulan la qaadatay Ragga Soomaalida Finland
Helsinki Axad 8 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Murashax Saciido Maxamed Goobdoon oo u sharaxan golaha deegaanka magaalada Heslinki ayaa kulan la qaadatay Ragga Soomaalida Finland
Maalinnimadii shalay oo taariikhduna ku beegnay 7.7.2012 ayaa waxay Siciido Maxamed Goobdoon ay kulan la qaadatay Ragga Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki iyadoo soo banadhigatay
Aqoonteeda waxa ay tahay ayna sheegtay in ay tahay murashax u tagaan golaha deegaan magaalada Helsinki waxayna u sharaxan tahay xisbiga Kokoomus oo ah xisbiga ay ka midka yihiin Madaxweynaha iyo waliba Ra,iisal wasaaraha dalka Finland, waana xisbiga ugu awooda badan haddii loo eego magalaada Helsinki.
Ugu horayntii kulankan waxaa lagu furay ayaada Qur,aanka kariimka iyadoo sidoo kale ay halkaasi ka hadleen Cumar Jaamac Dhagaweyne iyo Axmed Ibraahin oo labaduba goobta ka sheegay in Saciido Maxamed Goobdoon ay naga istaahisho codka maata ay martida noogutahay ee hallagu taagero codka waana aamin sanahay in ay wax inoo qaban qarto, ayna Saciido tahay dadka ugu dhaqdhaqaaqa badan kana hadasha arimaha somalida waxbadana ka og nolosha iyo sharciga wadanka Finland.
Murashax Siciido Maxamed Goobdoon waxay dalka Finland soo gashay 1992 markaas oo ayka heshay degenaansho wadanka Finland, waxay saciido ku da,daashay sidii ay aqoonteeda u kordhin lahayd iyadoo aybiloowday dugsiga dhexe kuna dhameeysay Dugsiga Sare ( High-School ) muddo kadib wakhtigii loogu talagalayayey ku dhamaystirtay , kabdi waxay sii wadatahay heer jaamacadeed oo Afar- sanno kadib ayey kuqaadatay shahaadada Special Nurse, Mikkeli University of Applied Science, sideedii sano ee danbe saciido waxay u shaqeeyneysay Finnish League for Human Hights.
Saciido Maxamed Goobdoon waa qof fir-fircoon oo ka dhex muuqata bulshada wadanka Finland iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland. Sanadkii2011 waxaa loo aqoon saday gabdha Ajaanibta wadnaka Finland iyadoo wakhtigaasi la siiyay abaalmarinno laguna soo bandhigay Taleefishinada iyo Jaraa,idyadawadanka Finland, isla sanadkii 2011 Saciido waxaa ay soo gashay 100 dumarka ugu caansan wadan ( top 100 woman of Finland) oo ayna ka ahayd gabadha kaliya ee Afrikaanka ah.
Sanadka 2012-14 Saciido Maxamed waxaa loo doortay in ay ahaato guddoomiyaha ururka isku xirka Somalida iyo Finnishka oo ah (Finnish Somali Network ) oo ay ku midaysan yihiin ururada ka howl-gala dalkaSoomaaliy kan fuliya mashaariicda horumarinta.
Murashax Saciido Maxamed Goobdoon qudbada heddii waxaa ka mid ahaa , walaalayaal Aniga waxaan ahay Gabar Soomaaliyeed oo walaashiin ah waxaan hortiina u imid in aadigu taageertaan codkiina , Anna waxaan balan qaadayaa in aan ka shaqeeyo danahashacabka Soomaalideena Finland iyo haddii ay ii suurta gasho dalkeeni Hooyo .Anigu waxaan ka shaqeeyaa arrimaha bulshada oo waxaan haddana la shaqeeyaa ururada, waxaan ogahay baahi badan oo jirta oo ay u baahanyihiin in dad keena laga caawiyo qaasatan dadka cusub oo aan isku filnayn ,waana midda igu kaliftay in aan doorashada sanadkan isu soo taago , horaywaligeey iskuma aanan soo sharixin ,waayohaddaadan siyaasadda kamid noqon dad kaaga waxbo kama caawin kartid , sidaasdarteed walaalayaal , waxaa jira musharaxiin Soomaaliyeed oo iyana sharaxan , codkiinaku kaalmeeya cidda aad u garataan in uu wax idiin qaban karo balse yaan lalabaqaylin codka ee hala igu qaalmeeyo codka waana mahadsantihiin.
Gunaandkii kulan kaasi ayaa dad weynihii ka soo qaybgalay waxay su,aalo waydiiyeen Murashax Saciido Maxamed iyadoo ay su,aalahaasiay ka mid ahaayeen, waanu ku dooran balse waxaynu kaa rabnaa in aad ka soobaxdo balan qaadkii aad hadda ka dhawaajisay . Saciido Maxamed waxay su.aalahaasikaga jawaabtay. Aniga balantii aan idiin qaaday waan ka soo bixi ee idinna waain aad Codkiina isiisaan ciddii ii balan qaadayna ay ka soo baxado balanka, kulan kaasi ayaa ku soo idlaaday jawi iyo qosol ay faraxadi ku dheehantahay.









Maxamed Bashiir
Helsinki-Finland
2012/7/8 mohamed bashir <somaliinfo@gmail.com>
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|