Somali News
    Hees  

Maxkamaddda Gobolka Hargeysa oo Boqor Cismaan Buurmadow ku riday Xukun Hal Sano ah

Hargeysa Axad 8 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maxkamaddda Gobolka Hargeysa oo Boqor Cismaan Buurmadow ku riday Xukun Hal Sano ah

argeysa oo saaka u fadhiisatay ku dhawaaqida Go’aanka Dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow ayaa ku go’aamisay Hal sano oo xadhig ah.

Garsooraha Dacwada qaadayay Cismaan Fanax ayaa gabi ahaanba laalay qoddobadii Xeer ilaalintu ku soo Oogtay boqor Buurmadow ee kala ahaa qoddobadda 212 iyo 215 oo sheegayay in Boqorku dibeda dalka ka soo maleegayay mijo xaabin Qaranka uu ku waday iyo Kicin dadweyne.

hase yeeshee waxa uu xukunkiisa u adeegsaday qoddobka 68 ee Xeerka Habka Ciqaabta oo dhigaya Dahleecayn iyo Ceebayn uu kula kacay madaxda Qaranka sidaas daraadeed ciqaabta uu ka mutay ay tahaya Hal sano oo xadhig ah.

Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in uu Iibsan karo boqor Cismaan Buurmadow Xadhiga isagoo xusay in qoddobka lagu xukumay u saamaxayo Iibsiga.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo wax laga weydiiyay Xukunka lagu riday Boqorka dhinacooda sida ay u arkaan ayaa sheegay inay ka tashanayaan.

hase yeeshee Qareenka Difaacayay Buurmadow ayaa soo dhaweeyaya go’aanka waxaanu sheegay haddii ay u baahdaan Rafcaan dhinacooda inuu kala tashan doono Boqorka

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388 
mustaqbal7@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)