|
Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardayka qelin jebisay Jaamacadda Somalia oo Muqdisholagu qabtay ( DAAWO SAWIRADA )
Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardayka qelin jebisay Jaamacadda Somalia oo Muqdisholagu qabtay ( DAAWO SAWIRADA )
Xarunta Jaamacada Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maantalagu qabtay Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyey in ka badan 20 arday oo ka qelin jebisay Jaamacadaas oo ka mid ah tiro jaamacado ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Munaasabadaas oo ay ka qeyb galeen maamulka, macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta ardayda wax ka barata Jaamacadaas ayaa waxaa ka hadlay xubno kala duwan oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay waxbarashada iyo sida loo baahan yahay in loogu dedaalo.
Masuul ka tirsan maamulka Jaamacadda Somalia oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in ay dedaal badan u galeen iyaga iyo macalimiinta Jaamacadaas sidii ay u soo saari lahaayeen arday soo qaadatay waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadeysa mid caalamka.
“Waxaan kula dardaarmayaa ardayda maanta halkan shahaadooyinka lagu gudoonsiiyey ee ka qalin jebiyey Jaamacadda Somalia ineysan meel cidllo ah uga tegin aqoontii ay barteen kuna dedaalaan iney sii kororsadaan, kuwa aan fursada ay heleen aan helina uga faa’iideeyaan” ayuu intaa ku daray masuulkaas ka tirsan Jaamacadda Somalia.
Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay xubno ka socday wasaarada waxbarashada ee dowlada KMG ah iyo kuwo kale oo ku kala hadlayey magaca ardayda qelin jebisay iyo macalimiinta, iyadoo ardayda maanta ka qelin jebisay Jaaamacada Somalia la gudoonsiiyey shahaadada loo yaqaano Master Degree waxaa la sheegay iney barteen maadooyin ay ka mid yihiin maamulka iyo ganacsiga.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|