|
Tahriibayaal Soomaali ah oo ciidamada illaalada xeebaha Jaziiradda Malta ka diiday in la badbaadiyo
Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Tahriibayaal Soomaali ah oo ciidamada illaalada xeebaha Jaziiradda Malta ka diiday in la badbaadiyo.
Koox tahribayaal Soomaali ah oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada illaalada xeebaha Jaziiradda Malta ayaa qaarkood waxay diideen in la caawiyo oo la bad baadiyo.
Sida ayku waramayso wakaaladda wararka ee AFP koox tahribayaal Soomaali ah oo taradoodu gaarayso 66 ruux oo Soomaali ah ayaa waxaa qabtay ciidamada illaaliya xeebaha Jaziirada Malta 60 ka mid ah waxay ka biyo diideen in ciidamadu caawiyaan oo la geeyo Malta iyagoo ugu dambeyn dalbaday inay sii wataan safarkooda ay ku doonayaan inay ku tagaan dalka Talyaaniga.
Ciidamadu waxay sheegeen in 6 ruux oo kaliya ay doonta ka dajiyeen oo ay u qaadeen goob caafimaad oo ku taala jaziiradda Malta waxaana lixdaan ruux ay qabaan xanuuno ayka qaadeensafar dheer oo ay mareen.
Horaantiii todobaadkii hore ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidamada badda Malta ay bad baadiyeen tahriibayaal Soomaaliyeed oo aykujiraan haween iyo caruur kuwaasoo naftoodu halis kujirtay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|