Somali News
    Hees  

Dowladaha Soomaaliya iyo Yeman oo ka wadahadlay maraakiibta SHIFCO + Sawirro

Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dowladaha Soomaaliya iyo Yeman oo ka wadahadlay maraakiibta SHIFCO + Sawirro

Wasiirada Kalluumeysiga Dowladaha Soomaaliya iyo Yeman ayaa ka wadahadlay sidii loo maareyn lahaa maraakiibtii Soomaaliya ee ay gacanta ku heysay shirkadda SHIFCO, waxayna labada Wasiir isla meel dhigeen dhowr qodob oo ku saabsan arrimaha maraakiibtaasi oo qaarkood la xaraashayo.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay sidii Dowladda Yeman u hakin lahayd dacwad ku saabsan maraakiibtaasi oo dhowaan ka furantay magaalada Cadan, wuxuuna Wasiirka Kaluumeysiga iyo Bii'ada Dowladda Yeman aqbalay codsiga uga yimid madaxda Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa kulankaasi goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Shirkadda SHIFCO ee isagu gacanta ku haya ilaa afar Markab oo Soomaaliya leedahay, sidoo kale waxaa kulankaasi ka qeyb galay Qunsulka Soomaaliya ee dhowaan loo soo magacaabay dalkaasi Yeman.

Arrimaha ku saabsan maraakiibta Soomaaliya ee ay ka wadahadleen Dowladaha Soomaaliya iyo Yeman ayaan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono, iyadoona madaxda Dowladda Soomaaliya ay doonayaan in arrimaha maraakiibtaasi si hoose looga wadahadlo, isla markaana la dhameeyo arrimaha maraakiibtaasi.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)