|
C/llaahi Sheekh Xasan: " C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole, haddii uu laba gobol xukumo ma aha inuu Soomaaliya oo dhan geed fadhi u yahay"
Mogadishu Axad 8 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

C/llaahi Sheekh Xasan: " C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole, haddii uu laba gobol xukumo ma aha inuu Soomaaliya oo dhan geed fadhi u yahay"
Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda Soomaaliya siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole, isagoona sheegay inuusan awood aanu laheyn is bidayo, iskuna heysta nin ay ka go'do talada Soomaaliya.
Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Faroole awood aysan laheyn shanta kale ee saxiixayaasha uu is baday, waayo buu yiri waxaa wax laga xumaado ah in hadalka ka soo yeeray uu mugdi gelinayo xaaladda wadanka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in hadalkaasi aanu ahayn mid maskax fayow ka fulay oo ay tahay talo ama go'aan maskax mas'uuliyadeed ay soo hindistay.
"C/raxmaan Faroole haddii uu laba gobol xukumo ma aha inuu Soomaalda oo dhan geed fadhi u yahay" ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga nabadda Soomaaliya oo sheegay in hadalkaasi aanu ula jeedin mid qabiil iyo amaba wax looga sheegayo beelaha degan W/Bari ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan in shirarka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ka socda ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo aanu wax shaqo ah ku lahayd road-mapka uu sheegayo C/raxmaan Faroole, wuxuuna uga digay in hadallada aan ka fiirisga lahayn ee uu ku caan baxay faraha kala baxo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|