|
Kooxda Gothenborg FC oo wacdaro ka dhigtay cayaaraha xagaaga Seuki 2012.
Gothenburg Axad 8 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxda Gothenborg FC oo wacdaro ka dhigtay cayaaraha xagaaga Seuki 2012.
Ayadoo eey si habsami leh u socdaan cayaaraha xagaaga ee Seuki ayaa waxaa dhacday cayaar aad u xiiso badneyd oo dadweynuhu aad u sugaayeen, taas oo dhexmartay kooxaha Gothenborg FC iyo Rågsved Stars (Stockholm). Cayaartu waxeey aheyd mid eey dadweynuhu aad u sugaayaan bacdamaa la dhowrayay cayaarta labada koxoodba.
Gothenborg FC oo ciyaarteedii hore laga badiyay ayaa ku qasbaneyd in eey ka badiso kooxda kale si eey u sii wadato cayaaraheeda.
Kooxda Rågsved Stars waxeey aheyd kooxaha lagu tirinaayay in eey koobka hanan karaan iyagoo muujiyay cayaar wanaag iyo anshax eey la dhaceen dadweynihii u soo daawasho tagay garoonka.
Waxeey cayaartu socotaba waxaa loo itaal sheegtay kooxda Rågsved Stars oo looga badiyay 2 iyo 0.
Natiijadii shalay waxeey keeneysaa in cayaaraha eey galeen waji cusub oo xiiso leh, taa oo keeneysa in kooxaha qaar eey galaayaan cayaar kama danbeys ah oo ah guuleyso ama gurigaaga aad.








ibrahim qalinle
qalinle70@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|