|
Cali Dheere: "Waxaa socdo qorsho in Soomaalida lagu faafiyo Diinta Kiristaanka..."
Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Cali Dheere: "Waxaa socdo qorsho in Soomaalida lagu faafiyo Diinta Kiristaanka..."
Cali Dheere: "Waxaa soconaaya qorshe ay wataan Gaaladu oo ah in Soomaaliya lagu faafiyo Diinta Kiristaanka, mana jiro Qof Al-Shabaab ah oo ay qabteen Ciidamada Dowladda KMG ah.."
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Al-Shabaab aan lagu qaban baaritaanada ka socda Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali dheere ayaa waxa uu ka hadlay baaritaanada ciidamada dowladda ay maalmahaan ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana uu Cali Dheere sheegai in baaritaanadaas lagu soo qabqabtay dad shacab ah, wuxuuna cadeeyay inaysan jirin cid Shabaab ah oo baaritaanadaasi lagu soo qabqabtay.
"Waxay dhibaato ku hayaan Ciidamada dowlada ummada Soomaaliyeed oo ay u geystaan dhibaatooyin dil iyo dhac isgu jira , waxaana balan qaadeenaa markaa ay boqolaal dad ah ay soo xirxiraan inay la kulmaan weeraro fara badan oo kaga yimaadoada Shabaab, taasina ay daliil u noqoneyso inaysan jirin qof Shabaab ah oo lagu soo qabtay howlgalada ay wadaan " ayuu yiri Cali Dheere oo kula hadlaayay saxaafadda xarunta Gobolka Sh/Hoose ee Marka.
Afhayeenka Shabaab waxa kale uu sheegay in Soomaaliya laga wado qorshe lagu faafinaayo Diinta Kiristaanka, "Waxay Gaaladu si cad ay u sheegeen inay doonayaan in Soomaaliya lagu faafiyo diinta kirishtaanka" ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in Gaaladu doonayaan inay sinaadaan masjidka iyo kaniisaddaha .
Dhinaca kale Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka hortagaan arrimahaasi, iyadoo xiliga uu hadalka jeedinaayo Cali Dheere ay tahay mid ku soo aadaysa iyadoo Ciidamada Dowladda KMG ah ay ka wadaan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda howlgalo lagu qabqabanaayo ciidamo la sheegay inay Shabaab yihiin.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|