|
Nin qaraxyo ingiriiska ka geestay oo haweenaydiisa la ogaaday inay tababarto Haweenka Al-Shabaab. (Warbixin Dheer oo Xasaasi ah)
Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Nin qaraxyo ingiriiska ka geestay oo haweenaydiisa la ogaaday inay tababarto Haweenka Al-Shabaab. (Warbixin Dheer oo Xasaasi ah)
Sida ku qoran warbixin maanta lagu daabacay wargeyska The Daily Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska hay’ada sirdoonka dalkaasi Ingiriiska ee la yiraahdo MI5 iyo booliska adduunka ee Interpool ayaa ka war helay in haweeney u dhaxday nin sanadkii 2007 qaraxyo ka geystay magaalada London ee xarunta Ingiriiskaoo lagu magacaabi jiray Jerma Lindsay ay ku sugan tahay qeybo ka mid ah koonfurta dalka Soomaaliya islamarkaana ay tababaro siiso haween Soomaalida ah oo ka tirsan Xarakada Al- Shabab oo Soomaaliya ka dagaalama.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Lewthwaite hase ahaatee Shabaabka dhexdiiisa loo yaqaan magaca Dada Mzungu oo la macnno ah Gabadha walaasheen ah ee cad, ayaa markii uu ninkeeda qaraxyo ka geestay dalka Ingiriiska, waxaa ay u socdaashay dalka Kenya gaar ahaan magalada xeebta ku taala ee Mombasa oo ay hay’adaha amaanka Ingiriisku sheegeen inay ku sugneyd.
War bixinta waxaa lagu sheegay in markii ay gashay dalka Kenya in booliska Kenya ay ka war heleen oo lagu war geliyay inay soo qabtaan haweenaydaasi hase ahaatee waa ay ka baxsatay waxaana gurigii ay daganeyd laga helay waxyaabo qaraxa oo lagu sameeyeen waxyaabo Kiimikaal sida Booliska Kenya sheegeen.
Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ayaa booliska adduunka Interpool iyo hay’adda sirdoonka dalka Ingiriiska ee MI5 waxa ay ogaadeen xog ku saabsan in haweenaydaasi ay abaabulayso qaraxyo ka dhaca dalka Kenya gaar ahaana magaalada Mombasa
Qaraxyada ayaa haweenaydani waxaa la sheegay inay gacanteydaa ay ku samayso waxaana wargayska warbixintaan qorey ee The daily Telegraph uu leeyahay nasiib darro booliska Kenya waxa ay ku guul dareysteen soo qabashada Lewthwaite Sarkaal ka tirsan booliska Kenya oo ku sugan magaalada Mombasa ayaa wargeyska daily Telegraph u xaqiijiyay in Lewthwaite ay ka gudubtay xadka Kenya isagoo sheegay .inay hadda ku sugan tahay meel ka mid ah gobolada koonfurta Soomaaliya ku yaala oo ay tababaro siiso haweenka u dagaalama Al-Shabab.
Qoraallo ku aadan baraarujin dhanka jihaadka oo ay haweenaydani u dirtay haween kale oo ku sugan dalka Tanzaaniya ayaa muujinaya inay ku sugan tahay dalka Soomaaliya, waxana arintaasi caddeenaysa ayuu leeyahay wargeyska inay isticmaalayso isgaarsiinta dalka Soomaaliya lagana ogaaday furaha Soomaaliya oo ah +252..
Qoraalada ay qortay islamarkaana ay soo heleen booliska adduunka ee Interpool la yiraahdo iyo hay’adda soonka Ingiriiska ayaa dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwo ay ku baraaburinayso haweenka aan Muslimiinta aheyd , iyadoo ugu baaqaysa " Inta aadan ku halaagsamin adduunyada waad inaad noqotaan haween u gar gaara Ilaaheey oo diinta difaaca ".
Lewthwaite ayaa wargeysku waxa uu leeyahay yaraanteeda waxay jeclayd inay noqoto gabar Mujaahidad ah iyadoo jecleyd in maalin maalmaha ka mid ah ay u gar gaarto diinta Alle sida warbixinta lagu qoray, Inka badan 5 jeer ayaa la'aaminsan yahay inay ka bad baaday isku day la doonayay in lagu qabto.
Saaxiibadeed ayaa weydiiyay waxa uu yahay Jihaadka , waxana ay ugu jawaabtay in jihaadka uu garanayo cidda ku dhexjirta, hadii aad doonaysaan inaad fahantaan micnaha jihaadka imaada Soomaaliya oo kaalmeeya walaalihiina u gar gaaraya diinta ee dagaalada ka wada Soomaaliya ayay ugu jawaabtay saaxiibadeed sida ku waramayo wargeyska war bixintaan maantaqoray ee Daily Telegraph.
Si kastaba waxaa haatan la rumaysan yahay in Lewthwaite oo ah xaaska ninkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada London Ingiriiska iyadoo isticmaalaysa magaca ah Dada Mzungu ay ku sugan tahay Soomaaliya isla markaana ay tahay sarkaalad tababarta haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee aan Soomaalida aheyn ee Xarakadda Al-Shababka kala qeyb qaata dagaalada ka dhanka ah dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Xarakadda Al-Shabab xiriir wanaagsan la leh ururka Al-Qacida dad badan oo aan Soomaali aheyn ayaa la aaminsan yahay inay ku garab siiyaan dagaalada ay Soomaaliya ka wadaan.
Qaraxyo Soomaaliya ka dhacay oo Shababku m,as’uuliyadooda sheegtay ayaa la sheegaa inay fuliyeen haween waxaana ugu dambeeyay qaraxii 4-tii bishii April ka dhacay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre ooay dad badan ku waxyeeloobeen.
Samantha Lewthwaite 'recruiting all-women terror squads' telegraph.co.uk


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|