Somali News
    Hees  

Magan Tahir oo ka fariistay Qaranka Kubada Miiska Dalka Holland

Holland Isniin 9 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Mucjisaha Kubada Miiska Magan Daahir Yuusuf ayaa ku dhawaaqay in uu ka fiirstay Qaranka Kubada Miiska dalka Holland ee (Oranje), ka dib shir jiraa’id oo uu Maanta ku qabtay qabtay Magaalada Leuwarden ee Gobolka Frezland.
 
Magan oo laga dareemayay Farxad ayaa sheegay in uu ka fiirstay Qaranka dalka Nederlands, asigoona ku micneeyay dhaawacyo Muddooyinkaan danbe soo gaaray, da’ ahaan oo uu sheegay in xilligaan lagu jiro xilligii uu ka fariisan lahaa Qaranka, Asigoona dhinaca kale sheegay in joogo xilligii uu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qaban lahaa.

Ciyaaryahankaan oo Muddo usoo ciyaarayay Qaranka Kubada Miiska Dalka Nederland ayaa ku guuleestay biladaha ugu qaalisan Ciyaarta Kubada Miiska, Asigoona Magac iyo Sumcad ku yeeshay Caalamka dhanka Isboortiga, wuxu uuna sidoo kale u ciyaaraa Xulka Gobolka uu dagan yahay ee Frezland, asigoona sheegay in uu sii wadi doono u ciyaarada xulka Gobolkiisa.

Magan Tahir waxa uu dhawaan u safri doona Dalka Britian asigoona ka qeyb gali doona Ciyaaraha Olompikada, balse aan ciyaari doonin wax ciyaar ah.
 
Todobaadkii hore ayuu ciyaar macsalaamees ah la ciyaaray Ciyaartoyda dalka Holland ugu qeyb gali doonta Ciyaaraha Olompikada 2012.

Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)