|
Wasaarada Isboortiga oo Baaritaan ku bilawday Heshiis dhex maray GOS & Hormuud
Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasaarada Isboortiga Dowlada KMG ee Soomaaliya oo Baaritaan ku bilawday Heshiis dhex maray GOS & Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telcom.
Madax ay ka mid yihiin Xoghayaha GOS C/llaahi Axmed Tarabi iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Laliska Maxamed Xuurshe Xasan Eenow ayaa heshiis la galay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud, taasi oo lagu Dayac tirayo Garoonka Kubada Koleyga ee 1-da Luulyo Degmada C/casiis.
Heshiiskaan oo aan wax faah faahin dheeri ah laga bixin, ayaa saraakiisha GOS waxa ay ku sheegeen in uu yahay mid Shirkada Hormuud ay Xayeysiin ku sameesaneeso Darbiyada Garoonka, taasi oo dhalisay shaki badan, iyadoona Wasaarada Isboortiga Arrintaasi Carro ka muujisay isla markaana Bilawday Baaritaan ku aadan heshiiskaasi.
GOS Ayaa lagu eedeeyay in ay ku takri faleeso Shuruuca dalka u dagsan, isla markaana ay heshiis la gashay Shirkad xilli aan wasaarada Isboortiga ka war qabin arrinkaasi ama aan lala socodsiin.
"Garoomada Isboortiga ma laha GOS, Dowlada ayaa is kale waa Hanti Qaran, waxaana Mas'uul ka ah Wasaarada, GOS Awood uma laha in ay waxee doonto ka sameesato, shacabka ayaa awooda in ay dib u dhis ku sameeyaan inta heshiis aan la ogeyn lala gali lahaa Shirkad" sidaasi waxaa laga soo xigtay Wasaarada Isboortiga Dowlada KMG oo sheegtay in ay wado Baaritaan ku aadan Heshiiska dhex maray GOS iyo Hormuud Telcom.
Dhinaca Kale Shirkada Isgaarsiinta Nationlink, oo ka mid aheyd shirkadaha sida weyn ugu soo qeyb qaatay Hormurinta iyo Taakuleynta Isboortiga Soomaaliya, ayaa ka carowtay heshiiska lala galay Shirkada Hormuud, iyadoona Madax ka tirsan Nationlink ay sheegeen in aan loo soo bandhigin heshiiskaas, isla markaana hadii loo soo bandhigi lahaa ay fulin lahaayeen.
Hormuud Telcom ayaa 18-kii sano ugu danbeeyay wax lug ah haba yaraatee aan ku laheyn isboortiga Soomaaliya, iyadoona aan xilligaan la ogeyn ujeedooyinka isku keenay GOS & Hormuud, balse GOS ayaa u muuqata in ay lumisay kalsoonidii Shirkadaha Telcom Somalia iyo Nationlink oo ahaa labada shirkadood ee sida weyn usoo garab qabtay GOS, iyadoona dhinaca kale aan la ogeyn waxa dhax mari doona, GOS, Hormuud iyo Wasaarada Isboortiga.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|