|
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka oo si weyn loogu soo dhaweyay Guri-Ceel + Sawiro
Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka oo si weyn loogu soo dhaweyay Guri-Ceel + Sawiro
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Prof, Saciid Ciise Maxamud ayaa dadweyne
faro badan kusoo dhaweyeen garoonka caalamiga ee magalada Guri-Ceel ee
gobolka Galgaduud.Prof, Saciid Ciise oo garoonka Guri-Ceel kazoo
galbiyeen dadweyne farobadan ayaa waxa uu booqday hoyga uu magalada
ka dagan yahay ugaaska Beesha Ceyr, Habar-gadir Ugaas Xasan Ugaas
Maxamed Ugaas Nuur oo muddo daqiiqado ah
si gaar ah u qaateyn wada hadalo irdaha u xeran yihiin.
Prof, Saciid ayaa sheegay in madaxda dhaqanka ay dowr wayn ku
leehyihiin bulshada dhexdooda isagoona
sheegay in sababta ugu weyn ee booqashadiisa goboladda dhexe keentay
ay tahay inuu soo booqdo ugaaska.
Dhinaciisane Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur ayaa sheegay iney
gacmo furan kusoo dhaweynayaan
Musharaxa Prof, Saciid Ciise iyo xisbigiisa Dadka.Gudoomiyaha xisbiga
dadka ayaa inta uu ku suganyahay gobolka Galgaduud waxa uu wada hadalo
la qaadan
doona qeybaha kala gadisan ee bulshada oo dhageysan doono fikradooda
ku aadan xaalka gobolka
uu marayo tan dalka isagoona talooyin ka qaadan doono.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|