|
Prof. C/llaahi Axmed Afrax.ayaa magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya
Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Prof. C/llaahi Axmed Afrax.ayaa magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha bankiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Prof. C/llaahi Axmed Afrax.
Magacaabida Xilkan ayuu sheegay Madaxweynaha in uu ku dhawaaqay isagoo tixraacaya Axdiga KMG ah ee dalka iyo xeerarka shaqaalaha rayidka ah, wuxuuna xusay in mas'uulkan lagula dhaqmi doono xeerarka shaqaalaha rayidka ah ee dalka.
Wareegtadan uu Madaxweynaha ugu magacaabay xilkan ayaa yimid ka dib markii uu arkay baahida loo qabo, sidoo kalena uu soo jeedin ka helay ra'iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali.
Prof. C/llaahi Axmed Afrax ayaa wasiir kasoo noqday xukuumaddii Prof. Cali Maxamed Geeddi uu hoggaaminayay, waxaana ay noqonaysaa markii koowaad oo xil sare loo magacaabo tan iyo xilligaas.
Magacaabistan waxay imaanaysaa iyadoo bankigii horumarinta ganacsiga Soomaaliya uu burbursan yahay, iyadoo aysan dowladda KMG ah dayactir ku sameyn, iyadoo sidoo kale magacaabiddan ay imaanayso xilli jirtaanka DKMG ah ay maalmo yar un ka harsan yihiin.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|