Somali News
    Hees  

War saxaafadeed ka soo baxay dariida Suufiyada

Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Waxaa maanta shir isugu yimid dariiqa suufiya gaar ahaan dariiqada sayd axmed al rifaaci kabiir kaas oo loogu hadlaayey xaalada maanta dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxay soo saareen qodobada soo socda.

1) in la joojiyo dhibaatada ka socda muqdisho in qofka xildhibaanka noqonaaya lagu soo xulo aqoontiisa iyo kartidiisa aan lagu soo xulin nin jecleysi laaluush bixin jaahilnimo aqoondari iyo qabiil jecleysi

2) in loo gargaaro shacabka soomaaliyeed

3)in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah

4) in lagu dhaqmo shareecada islaamka si dhab ah

5)in la baabi,iyo 4.5ka kaas oo shareecada islaamka ogolayn

6) in la soo qabto kuwa laynaaya weriyayaasha

7) in wax qabyaalada eex iyo ninjeclaysi aan lagu saleyn

8) in dariiqu suufiya laga qeyb geliyo shirarka dib u heshiisiinta in awood qayb siga wax laga siiyo haddiitaas aysan dhicin in wax laga siin wax hagaagaayo ma jiraan hadii caddaalad la rabo iyo nabadgelyo xaqa si cadaalad loo garsooro waa in dariiqooyinka si isku o cadaalad ah wax haloogu qabto dowladda kmg soomaaliya waxaan ka codsanaynaa in ay dariiqu suufiya laga qayb geliyo oo yaan lagu ekaanin kuwa qoryaha qaatay ee dagaaladaku jira waxaan u baahanay waxbarashada samafalka caafimaadka siyaasada iyo wixii la mid ah in aan wax ka helno

waxaa shirka ku soo dhamaaday jawi farxad leh guul leh iyagoo halkaas ugu duceeyey shacabka in shacabka dhibka ay ku jiraan alle ka qaado uguna bedelo amni iyo amaano barwaaqo isagoo halkaas lagu soo bandhigay qasaaidyo fara badan

wabilaahi towfiiq

w.d sh.ali omar abati binfaghi
gudoomiye ku xigeenka majmaca dariiqa suufiya
afhayeenka ahna xoghayaha dariiqada rufaaciya

email is dariiqadarufaaciya@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)