Somali News
    Hees  

Wasiirka arrimaha Gudaha ugu baaqay Hay'adaha, Ganacstada iyo shirkadaha hubeysan inay isku soo diiwaan geliyaan sida ugu dhaqsiyaha badan

Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Wasiirka arrimaha Gudaha ugu baaqay Hay'adaha, Ganacstada iyo shirkadaha hubeysan inay isku soo diiwaan geliyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG ah C/samad Macalin maxamuud  ayaa ugu baaqay Hay'adaha, Ganacstada iyo shirkadaha hubeysan inay isku soo diiwaan geliyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxaa uu sheegay wasiirka inay socdaan howgalo lagu xaqiijinayo amaanka caasimada kaasoo uu tilmaamay inuu saameyn ku yeelandoono hay'adaha, NGO-yada shirkadaha iyo Shaqsiyaadka hubka shaarci darada ah ku dhaxwata Muqdisho hadii aysan iska soo diiwaan gelin hay'adaha amaanka.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ka hadlay wada shaqeynta ka dhaxeysa hey'adaha amaanka, isagoo xusay in meesha ay ka baxday tuhunkii dadka ay qabeen ee ahaa in wada shaqeyn toos ah aanay ka dhaxeyn ciidamada dowlada.

Dowladda KMG ah ayaa marar badan digniin u jeedisay dadka sida sharci darada ah hubka ugu dhaxwata magaalada Muqdisho, mana jirto cid u hogaansantay digniintaasi.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)