Somali News
    Hees  

Khilaaf Soo kala dhexgalay Horjoogayaasha Alshabaab ee Gobalka Hiiraan

Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Khilaaf Soo kala dhexgalay Horjoogayaasha Alshabaab ee Gobalka Hiiraan

Wararka laga helaayo Degmada Buulo-burte oo xiligan Xaruun u ah Horjoogayaasha Alshabaab qeybtooda Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in uu qilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay kooxda ka dib markii laysku fahmi waayay sida loo sii wadi karo dagaalka ay kala soo horjeedaan Ciidamada Dowlada ee Gobalkan ku sugan.

Qof ka tirsan Dadka degaanka ah oo sababo dhinaca amaanka u diiday in magacooda la soo xigto ayaa warbaahinta maxaliga u xaqiijiyay in kulan artintaas lagu xalin rabay oo socday muddo saddex cisho ah uu guul daro ku dhamaaday kagadaal markii Horjoogayaasha Alshabaab ee deeganka ay sheegeen in hadii aan dhaqaale dibada laga helin in aanu degaanka ka sii socon Karin Jihaadka sida ay hadalka u dhigeen.

“ In dadka degaanka Xoolahooda mar walba loo isticmaalo Jihaadka intan wax ka badan ma sii socon karaan waayo dadkii degaanka iyo Mujaahidiintu wey is naceen hada wixii ka dambeeya qof walba jeebkiisa ha iska dabaro qof dambe oo xoolo laga qaadi karo ma jirto ayuu yiri Mid ka mid ah Horjoogayaasha Alshabaab oo Hiiraan ka soo jeeda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in bar Koontarool oo ku taal Koonfurta Buulo-burte isbuucii dhamaaday ilaa 2 jeer ay isku rasaaseyeen malayshaadka Alshabaab oo kala taabacsan Masuulka Alshabaab ugu Magacaaban Gobalka iyo Masuulii kale ee Baladweyne u qaabilsanaa iyadoo israsaaseyntana ay ka dambeysay ka dib markii laysku dayay in dhac loo geysto Lacag laga uruuriyay Barta Koontaroolka oo qilaafkii ka dhashay aan wali la xalin.

Qilaafka ugu weyn ayaa waxaa uu ka dhaxeeyaa Gudoomiyiihii Al- Shabaab ee laga qabsaday Magaaalada Baladweyne Ninka lagu Magacaabo Xuseen Dheere dadka Qaarna ay u yaqaanaan C/raxmaan Ceesh ama Buundo Jabibey iyo Ninkii hore horjoogaha uga ahaa Buulo-burte iyadoo Masuulka Alshabaab u qaabilsan Gobalka Yuusuf Cali Xeyder uu taageeray in gudoomiyahii Buulo burte uu xilkiisa sii haaysto halka Ceeshna lagu amray hadii uu rabo xil in Alshabaab ay dib Baladweyne u qabsato.

Qilaafka ayaa xoogiisa soo shaac baxay ka dib markii ay Ciidamada Ethopia ay dhaqdhaqaayo ciidan bilaabeen halka Ciidamada Dowladana lagu bilaabay dib u habeyn iyadoo magaalada laga dareemaayo in badi ciidankii ku sugnaa dibada loo saaray waxaana sidoo kale socda in beelaha Hiiran ay bilaabeen in ay soo uruuriyaan ciidan lagu biirinaayo Howlgalka Socda Shalay galab ayeey aheed markii Dhoolatus balaaran lagu soo bandhigay ciidan aad u hubeysan.

Malayshaadka badankooda ayaa diiday in ay ka qeybgalaan dagaalka iyagoo ku doodaya in gaadiid u qaada Dhinaca Baladweyne ama marka ay soo laabanayaa soo celiya in aysan haysan maadaama dhaqaale shidaal lagu iibiyo aanu jirin raga Madaxdana lacagaha ay ka helaan Koontaroolka Buule-burte uu iyaga dhexdooda isqabqabsi ka abuuray.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)