Somali News
    Hees  

Dowlada Somaliya oo Caasimada ka Mamnuucday in ay ka shaqeeyaan Hay'ad ama Shikad Ogolaasho aan haysan

Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dowlada Somaliya oo Caasimada ka Mamnuucday in ay ka shaqeeyaan Hay'ad ama Shikad Ogolaasho aan haysan.

Wasiirka Amniga iyo arrimaha gudaha ee DKMG Soomaaliya, C/samad
Macallin Maxamuud ayaa sheegay Axadan Maanta in hay'adaha iyo
shirkaha aan diiwaan-gashanayn aysan ka shaqeyn karin gudaha dalka, sidoo kalena wuxuu ka digay in magaalada Muqdisho lagu qaato hub aan sharci loo haysan.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay Muqdisho ku yeesheen guddiga ammaanka Qaranka isagoo sidoo kale xusay inaan loo dulqaadan doonin dadka ugaarsanaya suxufiyiinta ka howlgasha dalkaneena.

"Hay'adaha wadaniga ah iyo shirkadaha ka howlgala Muqdisho waa inay is-diiwaan-geliyaan, hay'addii ama shirkaddii aan sharci lahayn kama howlgalayso Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in hay'adaha iyo shirkaduhu ay fursad u haystaan inay is-diiwaan-geliyaan.

Muqdisho ayaa waxaa ka shaqeeya hay'ado iyo shirkado kala duwan; iyadoo hadalkana uusan aheen kii ugu horeyay oo masuul ka tirsan dowladu uu ka dhawaajiyo.

Sidoo kale kulankaas waxaa loga hadlay arimo amniga ku saabsan iyo hubka sharici darada ee lagu dhex qaato magaalada Muqdisho iyadaa aan fasax loga haysan dowlada.

"Dadka hubka ku wata gudaha magaalada waxaan u sheegaynaa inaan la ogolaan doonin cid aan sharci u haysan inay hub wadato, ciddii lagu helo iyadoo hub aan sharci ahayn wadata waxaa loo arkayaa inay nabadda lid ku tahay," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Amarkan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda KMG ah ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab labada degmo ee Balcad iyo Afgooye oo ku dhow Muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)