|
Wafdiga Wasiirka kaluumaysiga oo u joogo Yemen joojinta Xaraashka maraakiibta soomaaliya ee Caden ku xiran
Sanca Isniin 9 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wafdiga Wasiirka kaluumaysiga oo u joogo Yemen joojinta Xaraashka maraakiibta soomaaliya ee Caden ku xiran
Wasiirka kaluumaysiga khayraadka badda iyo bii`ada ee dawlada KMG ee soomaaliya iyo wafidgiii uu hogaamiyanayey oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay magaalada Sanca ee wadanka yemen ayaa waxa ay kulan laqaateen ra`iisul wasaaraha wadanka yemen Mudane Maxamed Saalim Baasandawaa , mahadcelin kadib wasiirka ayaa u gudbiyey ra `iisul wasaaraha dalka yemen dhambaal qoraal ah oo uu uga siday dhigiisa soomaaliya mudane C/ wali Max`ed Cali Gaas kaas oo ku saabsanaa sii horumarimarinta xiriirka soo jiraanka ah ee ka dhaxeeya labada shacbi iyo labada dal ee walaalaha ah iyo in codsi ku aadan joojinta xaraashka maraakiibta soomaaliya eeku xiran dakada magaalada Caden –Yemen .
Sidoo kale waxa uu wasiirku ka siiyey ra`iisul wasaaraha yemen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee soomaaliya iyo horumarka ay ciidamada dawlada ka gaareen xoraynta gobolo badan oo horay ugu jiray gacanta kooxaha la leh xiriirka argagixisada , iyo dadaalka ay dawlada soomaalliyeed ugu jirto dhamaystirka marxalada kala guurka iyo dhisid dawalda daa`im ay ee ay yeelato soomaaliya bisha ogosto ee nago soo foodleh . sidoo kale wasiirka ayaa tibaaxay in ay aad uga xumaatay dawalada soomaaliya in maxkamad ku taala magaalada cadan ay ku dhawaaqdo xaraashka maraakiib ay leedahay dawlada soomaaliyeed xilli xasaasi ah oo ay madaxda dawladu ku mashquulsanyihiin dhamaystirka kumeelgaarka , go`aankaasina uu ka hor imaanaya qaanuunka dawliga ah oo xasaanad siinaya hanti dawladeed ee taalla dal kale .
Dhiniciisa wax waxa uu ra`iisul wasaaraha Yemen uu warbixin ka siiyey wafidiga soomaaliaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalkiisa iyo dadaalka ay xukuumadiisu ugu jirto fulinta Mubaadaradii Khaliija iftiimiyayna inay jiraan caqabado badan laakiin uu ku rajo wayn yahay in laga tilaabsado caqabadahaas , sheegayna in mucaarad iyo dawladba laga wada shaqaynayo sidii uu u najixi lahaa shirka midnimada qaran oo lagu wado inuu dhaco bilaha soo socda .
Ra`iisul wasaarha yemen ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay lakulanka wafdiga soomaaliyeed xafiiskiisa sharax dheerna ka bixiyey xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeye labas shacbi ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Yemen . waxa uuna tibaaxay in arinta maraakiibta shirkii istanbuul ay isla sooqaadeen madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sh.Axmed , fariitii uu u soodhiibayna uu gaarsiiyey madaxwaynaya wadanka yemen Cabdu Rabu Mansuur Haadi kana go`antahay dawlada yemen fulinta balanqaadkii ahaa in la joojiyo dacwada ka dhanka ah maraakiibta soomaaliya eek u xiran cadan .
Ugu dambayntii ra`iisul wasaarahaYemen ayaa ka codsaday wafdiga soomaaliya in salaan uu ka gaarsiiyo madaxda qaranka soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha soomaaliya iyo ra`iisulwasaaraha . kulanka ayaa ku dhamaaday jawi fiican , waxaana la isku afgartay dhamaan arimihii la isla lafaguray .
Wafdiga ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey qunsulka guud ee soomaaliya Munada Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan ) oo run ahaantii qayb lixaad leh ka qaatay ka mira dhalinta hawalaha shaqo ee wafidga Soomaalliya .
Kulanka waxaa goobjooga ka ahaa
1. Wasiiru dawlaha wasaaradda kaluumaysiga khayraadka badda iyo bii`ada
2. Lataliya madaxwaynaya arimaha sharciga .
3. Gudoomiyaha shirkadda shifko
4. Qunsulka Guud ee Soomaaliya Magaalada Caden –Yemen Axmed Suudaan .

Somali General Consular Aden
adenconsular@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|