|
Dowladda KMG ah oo ku dhawaaqday wixii ka danbeeya 10-ka bishan aynu ku jirno inay xirmayaan wadooyin muhiim ah oo ku yaala Muqdisho
Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda KMG ah oo ku dhawaaqday wixii ka danbeeya 10-ka bishan aynu ku jirno inay xirmayaan wadooyin muhiim ah oo ku yaala Muqdisho.
Kadib kulan ay ku yeesheen Muqdisho guddiga Amanka qaranka ayaa sirasmi ah looga dhawaaqay inay xirmi doonaan qaar ka mid ah wadooyin Magaalada Muqdisho marka uu furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe” oo gabagabadii kulanka saxaafada la hadlay ayaa sheegay in si KMG ah loo xiri doono wadooyinka gala “School Polizio” kaasoo uu tilmaamay in lagu ansaxin doono dastuurka cusub ee KMG ah.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in wadada Nakka Al-mkarama ay furnandoonto balse aan la oggolaan doonin in gaadiidka la dhigto wadada hareeraheeda, isagoo xusay in wadadaasi ay isticmaali karaan dadka shacabka ah sidii horay ay ugu isticmaali jireen oo kale.
Dhanka kale wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/samada Macalin Maxamuud ayaa sheegay in aan la aqabali doonin in hub sharci doro ah lagu dhaxwato wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya islamarkaana tilaabo laga qaadi dooni cidii lagu arko arrintaasi.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|