Somali News
    Hees  

Hay'adda CCD oo markii ugu horaysay Dood Cilmiyeed ku saabsan qaabka lagu xoojin karo nabadda ku qabatay Degmada Afgooye

Mogadishu Isniin 9 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Hay'adda CCD oo markii ugu horaysay Dood Cilmiyeed ku saabsan qaabka lagu xoojin karo nabadda ku qabatay Degmada Afgooye

Dood cilmiyeed halku dhigiisu ahaa "Sidee u xoojin karnaa nabadda ka dhalatay Degmada Afgooye?" ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye gaar ahaan xarunta beerta Sheekh Zayed, waxaana dood cilmiyeedkaas oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda Wadahadalka Bulshada CCD ka soo qeyb galay qeybaha bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Furitaanka munaasabadda dood cilmiyeedka waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda KMG ah, maamulada G/Banaadir, gobolka Sh/hoose, maamulka degmada Afgooye, waxgaradka, culumaa'udiinka, dhallinyarada iyo haweenka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye C/llaahi Axmed Iidey oo halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka ayaa ugu horeyntii uga mahad celiyay Hay'adda CCD ee suuragelisay kulanka bulshada degmada ayaa ballanqaaday inay ciidamada amniga iyo qeybaha bulshada ay iskaashadaan sidii loo xoojin lahaa nabadfda ka dhalatay degmada Afgooye.

Wuxuu Guddoomiyaha degmada Afgooye ka codsaday maamulka Hay'adda CCD inay kordhiyaan Seminaarada noocaan oo kale ah oo bulshada Degmada lagu baraarujinayo sidii ay uga midoobi lahaayeen wax kasta oo danahooda ka hor imaanaya.

Guddoomiye K/Xigeenka gobolka Sh/hoose ahna Guddoomiyaha arrimaha bulshada gobolka Md. Cumar Maxamuud Cilmi ayaa sheegay in bulshada gobolka degan ay ballanqaadayaan inay si wadajir ah isaga kaashanayaan adkeynta nabadgelyada ka jirta gobolka.

"Far kaligeed fool ma dhaqdo, bulshada gobolka Sh/hoose waa inay si wadajir ah isaga kaashadaan nabadda iyo inay mar kale dib ugu soo noqon" ayuu yiri Md. Cumar Maxamuud Cilmi oo uga mahad celiyay in markii ugu horeysay hay'adda CCD degmada Afgooye u qabato dood cilmiyeed dhex maraya bulshada ku dhaqan degmada Afgooye.

Guddoomiyaha Hay'adda CCD Ciise Axmed Cumar oo halkaasi ka jeediyay khudbad ku socota dadka reer Afgooye ayaa ku booriyay bulshada degmada inay ka faa'iideystaan nabadda ka curatay degmadooda, isagoona tilmaamay in bulshada degmada Afgooye iyagoo ku cibro qaadanaya dhibaatadii ay ku hayeen kooxihii nabad-diidka ahaa ay iska kaashadaan sidii ay nabadda ku xajisan lahaayeen.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay abaabulka iyo farxadda idinka muuqata, waxaana ballanqaadayaa in hay'adda CCD ay kordhineyso seminaarada ay bulshada degmada uga wadahadlayaan nabadda iyo horumarka degmada" ayuu yiri Guddoomiyaha CCD oo ballanqaaday in hay'adiisu ku garab taagan tahay sidii ay bulshada degmada danahooda uga wadahadli lahaayeen.

Madaxda maamulka Gobolka Banaadir ee iyagu ka qeyb galay dood cilmiyeedka waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha ururka Haweenka G/Banaadir Marwo Jawaahir Maxamed Baarqab, iyadoo halkaasi ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Jawaahir Baarqab waxay sheegtay in gobolada Banaadir iyo Sh/hoose ay yihiin walaalo yihiin, sidaasi daraadeedna waxay tilmaantay in bulshada labada gobol ay ka dhaxeeyaan dano fara badan oo ay ugu horeyso sidii ay isaga kaashan lahaayeen nabadgelyada labada gobol.

"Bulshada degmada Afgooye oo runtii ah bulsho fac weyn, waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay heybadda ka muuqata ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka" ayay tiri Jawaahir Baarqab oo dhinaca kale ku boorisay shacabka degmada inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay soo sheegaan kuwa fidno wadayaasha ah ee la doonaya nabadgelyo xumida.

Nabadoon Sayid Cali Muuse oo ka mid ah waxgaradka degmada Afgooye ayaa sheegay in bulshada degmada ay kordhinayaan kulamada noocaan oo kale ah taasi oo ujeedadeedu tahay sida bulshada degmada ay ku xoojinayaan ammaanka iyo xasiloonida.

Jan. Ibraahim Yarow oo ka mid ahaa saraakiisha ka qeyb galay dood cilmiyeedka ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad qiiro gelisay intii dhageysaneysay, wuxuuna sheegay in nabadda ka dhalatay degmada Afgooye loo huray dhiig dhaqaale, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in bulshada degmada iyo ciidamada Dowladda si wadajir ah isaga kaashadaan in kooxaha fara ku tiriska ah ee ku dhuumaaleysanaya degmada loo soo qabto isla markaana gacanta ciidamada loo soo geliyo.

"Waxaan ballanqaadeynaa in adkeynta nabadgelyada aan u hurno dhiig, aniga ayaana kow ka ah oo nafteyda u huraya adkeynta nabadgelyada degmada Afgooye" ayuu yiri Jan. Ibraahim Aadan Yarow oo sheegay in degmada Afgooye ay tahay goobaha ugu nabadgelyada wanaagsan marka loo eego goblada kale ee dalka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Deeqo C/qaadir Axmed ayaa halkaasi ka jeedisay khudbadda xiritaanka dood cilmiyeedka, waxayna ku boorisay ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka inay ka faa'iideystaan casharada ay halkaasi ku barteen, iyadoona ku ammaantay dadka degmada Afgooye inay yihiin dad nabadeed, waxayna u mahad celisay hay'adda CCD oo markii ugu horeysay degmada Afgooye dood cilmiyeed u qabto bulshada ku dhaqan degmadaasi.

















 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)