Somali News
    Hees  

Gudoomiye C/raxmaan Raabi Oo Sharxaya Xilliga La Furayo Safaaradda Somalia Ee K/Afrika (Warbixin + Sawiro)

Isniin 9 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Gudoomiye C/raxmaan Raabi Oo Sharxaya Xilliga La Furayo Safaaradda Somalia Ee K/Afrika (Warbixin + Sawiro)

Gudoomiyaha guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika (SASA) ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay u marti-sooreen Safiirka cusub ee Dowladda Somalia usoo magacawday dalkani K/Afrika Ambasador Zayid Xasan Shariif.

C/raxmaan Yuusuf Axmed (Raabi), ayaa carabka ku dhuftay in socdaalka safiirka cusub ee South Africa uu ka dambeeyey ka dib xiriir qota dheer oo ay la sameeyeen Danjiraha cusub isagoo ku sugan Caasimadda Somalia, waxaana uu sheegay in 30-bishii June oo uu Safiirka soo gaaray Magaalada ganacsiga ku caan baxday ee Johannesburg ay si weyn ugusoo dhaweeyeen, iyagoon u kala harin Jaaliyadda SASA oo uu isagu Gudoomiyaha ka yahay Mudane Raabi, Somali Comunitty Board oo uu Madaxda ka yahay Ismaaciil Soomane, Ururka Dhallinyarada ee Somali Youth Network of South Africa, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida K/Afrika.

"Ujeedada socdaalka safiirka cusub waa Ra'iyi ururin iyo isbarasho guud, waxaana socdaalka uu ku kala bixinayo gobalada kala duwan ee dalka K/Afrika uu kusoo gabagabeyn doonaa Magaalada Johannesburg, halkaasi oo uu 12-ka bishan kulamo caalami ah kula yeelan doono Madaxda Dowladda Koonfur Afrika, si uu sharaxaad kooban uga siiyo baahida Soomaalida South Africa ay u qabaan Safaaradooda" sidaana waxaa yiri Mr. Raabi oo madax ka ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee K/Afrika (SASA).

Isagoo ku sugan Istuudiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee K/Afrika (SOJASA) uu ku leeyahay Cape Town, ayaa C/raxmaan Raabi waxa uu shaaca ka qaaday inay Danjire Zayid Xasan Shariif u balan qaadeen inay ka caawin doonaan dhaqaalihii ku bixi lahaa dhismaha Safaaradda iyo gaadiidkii ay ku shaqeyn laheyd, waxaana uu sheegay in Safaaradda si rasmi ah loo furi doono dabayaaqada bishan Luulyo.

Hirgelinta Safaaradda cusub ee Somalia ku yeelanayso K/Afrika, ayaa wax badan ka dabooli doonta baahida ay Soomaalida u qabaan dhanka sharciyada iyo socdaalka.


C/risaaq Indhajaceyl
Cape Town, South Africa

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)