|
Faransiiska oo maxkamadeenaya Somali lagu eedeeyay burcad badeed
Mogadishu Talaado 12 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Faransiiska oo maxkamadeenaya Somali lagu eedeeyay burcad badeed.
Maxkamad ku taala magaalada Baaris ee caasimadda dalka faransiiska ayaa maanta qaadaysa dacwad ka dhan lix dhallinyaro soomaali ah oo loo haysto fal burcad badeednimo.
Dhallinyaradan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay afduubateen markab nuuca dalxiiska ah oo laga leeyahay dalka faransiiska kaas oo la afduubtay sanaddii 2008da kadibna isku day dowladda faransiiska ay samaysay ay ku guulaysatay in si xoog leh ay ku soo furato.
Xeer ilaaliyaasha maxkamadda ayaa dhagaysanaya dacwadda , iyadoo ilaa iyo haatan dacwaddu ay ka soconayso howlka maxkamadda ee magaalada Paris.
Mid kamid ah dhallinyarada soomaalida oo lagu magacaabo Ismael Ali Samatar oo 31 sano jir ah ayaa eedeemaha loo soo jeediyay qirtay halka kuwa kalana ay tilmaamayaan in eedeemaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwa waxba kama jiraan ah oo ay ahaayeen ganacsato ganacsigooda u iib gaysa burcad badeedda.
Bruno Sturlese oo kamid ah xeer ilaaliyaasha maxkamadda ayaa sheegay in Ismael Ali Samatar oo qirtay eedeemaha loo soo jeediayay uu wajahayo xukun gaaraya 15 sano oo xarig ah.
Maxkamadda ayaa go’aan rasmi ah ka gaari doonta maalinnimada kahamiista ee soo socota lixdan ruux ee soomaalida ah oo loo haysto falal burcad badeednimo ah.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|