|
Madaxweyne Shariif oo Booqashadiisii Afgooye soo Gabagabeeyay
Mogadishu Arbaco 13 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Madaxweyne Shariif oo Booqashadiisii Afgooye soo Gabagabeeyay
Madaxweyne Shariif Oo soo Gebagebeeyey Kormeerkiisii Shaqo Ee Afgooye
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh
Axmed ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gebagebeeyey kormeer shaqo oo
uu ku joogay gobolka Shabeelada Hoose.
Kormeerka shaqo ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qaatay
mudo Seddex Cisho ah ayaa Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah usoo
gebagebeeyey gelinkii dambe ee maanta oo uu dib ugusoo laabtay xarunta
Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynaha ayaa intii uu joogay degmada Afgooye waxuu kulammo dhowr
ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jiray waxgarad,
aqoonyahanno,siyaasiyiin,beeraleey iyo saraakiisha Ciidammada Qalabka
Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika waxaana uu cabashooyin ka
dhageystay dadka deegaanka.
Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saakay kormeer
ku tegay deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo
dhowaan laga xoreeyey Maleeshiyada Al-Qaeda waxaana u jeedada safarka
Madaxweynaha ay la xiriirtay sidii uu wax ugasoo qaban lahaa cabasho
ka timid waxgaradka qaarkood ayadoo safarka shaqo ee Madaxweynaha
Jamhuuriyadda uu kusoo dhamaaday guul si nabad gelyo ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|