Somali News
    Hees  

Maraakiibta ganacsiga ee ingiriiska oo loo ogolaaday inay hubka qaataan.

Mogadishu Jimco 15 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Maraakiibta ganacsiga ee ingiriiska oo loo ogolaaday inay hubka qaataan.

U qaabilsanaha dowladda ingiriiska ee arimaha Africa Hellary Bilingham oo ka hor hadlayay barlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in xukuumadda ingiriiska maraakiibteeda ganacsiga ee isticmaala badwaynta India ay u ogolaatay inay qaataan hubka si ay isaga caabiyaan kooxaha burcad badeedda Soomaaliya.

Hellary Bilingham ayaa tilmaamay in talaabadan dowladda ingiriiska ay qaadatay aysan wax u dhimin doonin maraakiibta islamarkaana ay aad u yaraanayso weeraradii burcad badeedda soomaalida ay u geesanayeen maraakiibta ganacsi ee ingiriiska.

"Qaraarkan waxa uu maraakiibta u ogolaanayaa inay sameeyaan iska caabin haddii burcad badeed Somalia ah ay isku dayaan inay afduubtaan" ayuu yiri u qaabilsanaha dowladda ingiriiska ee arimaha Africa, isagoo intaasi ku daray in talaabadan maraakiibta ganacsi ee dowladda inguiriiska ay kaga kaaftoomayaan inay la soo xiriiraan maraakiibta dagaal eek u sugan xeebaha dalka Soomaaliya .

Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha midowga yurub ee ka qeybqaadanaya howlgalka Atlanta ee laga wado xeebaha Somalia kaas oo lagu la dagaalamayo burcad badeedda.

Waxana go’aankan ingiriisku uu qaatay uu imaanayaa xilli kooxaha burcad badeedda soomaalida ay wajahayaan cadaadis xoogan oo ku kaliftay inay awood u yeelan waayaan in howlgalkoodii si dar dar leh ay ku sii wadaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)