Somali News
    Hees  

AMISOM oo diyaarinaysa qorshe Military oo Al-Shabaab ka dhan ah

Mogadishu Jimco 1 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


AMISOM oo diyaarinaysa qorshe Military oo Al-Shabaab ka dhan ah

Kulan ku saabsan sida uu noqon doono howlgalka ciidamada AMISOM bishaan, June ayaa lagu wadaa in madax ka socota wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ku yeeshaan maagaalada Addis-Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia.

Kulankaan oo furmaya maalinta Sabtida ah ayaa waxaa lagu dajin qorshe military oo furmo hor leh loogu furayo Xarakadda Al-Shabab sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Ethiopia.

Wasaaradda arrimaha dibbadda Ethiopia ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in kulankaan oo ay ka qeyb galayaan wasiiradda gaashaandhiga iyo taliyaasha ciidamada wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa waxaa lagu lafo guri doonaa qaabka ay hawl galadu noqon doonaan.

Ku xigeenka afhayeenka ciidamada AMISOM Captain Gilbert Nitunga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ENA in bishaan June Al-Shabablagu furi doono jiho dagaal oo look ala qeybin doono ciidamada AMISOM.

Captain Gilbert Nitunga waxaa uu tilmaamay in ciidamada Uganda iyo Burundi ay howlgaladooda ku fidin doonaan magaalooyin ay ka balaarin doonaan magaalooyinka Balcad,Marka, Baraawe, Bay iyo Bakool iyo qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan halka ciidamada Kenyana ay ku dhaqaaqi doonaan gobolada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo oo haatan xarun muhiima u ah dagaalyahanada Al-Shabab sidoo kalena guutooyinka ciidamada Jabuuti ayaa iyana Al-Shabab kula dagaalami doona gobolka Hiiraan iyagoo ka dhaqaaqaya saldhiga ay magaalada B/weyne ku leeyihiin.

Taliyaha ciidamada Kenya General Julius Karangi oo shirkaan ka qeyb galaya ayaa usheegay warbaahinta inay deg deg ciidamadooda uga howlgalayaan gobolada Jubbooyinka oo ay la wareegi doonaan Al-Shabab sida uu yiri.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbadda Ethiopia Dina Mufti ayaa sheegay in kastoo ay jiraandhinacyo dawladiisa ka dalbanaya inay ciidamo u dirto magaalada Kismayo haddana dawladiisu aysan willi wax go’aan ku gaarin arrintaas.
Ciidamada AMISOM ayaa dhawaan Al-Shabab ka saaray deegaano muhiim ah oo ku yaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ku saabsan kulankaan iyo qorshaha AMISOM ee bishaan June laguma soo hadal qaadin doorkaay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)