Somali News
    Hees  

Muwaadin Soomaaliyeed oo loo Magacaabay Travel Ambassador-ka Olompic Games 2012

Holland Sabti 23 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


July Dhamaadkeeda ayaa la filayaa in Magaalada London ay soo xaadiraan illaa iyo 10,500-Ciyaartoy oo ay wehliyaan Wafuud kala gedisan kuwaasi oo ka kala socda 204-dal, kana qeyb gali doona Ciyaaraha Olompikada Aduunka ee Sanadka 2012.

Waaxda Socdaalka Dalka Britian ayaa isku diyaarineesa sidii ay u haqab tiri laheyd isku socodka Wufuudaasi iyo Taagerayaasha kala gedisan ee iyagu lagu qiyaasi in ay gaarayaan 500,000-Taageerayaal, Maadaama lagu ciyaari doono 34-Gooroon oo ku yaal Magaalada London.

Eng. Baana Ali Abdalla oo horey u ahaa Xoghayihii Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya Xilligaanna ka mid ah Xiriirka Caalamiga ee Africa, ayaa Dowlada Britian Waaxdeeda Socdaalka waxa ay u Magacawday in uu noqdo "Travel Ambassador" for London Olympic Games 2012.

Eng. Bana ayaa ah Project Planning Manager u shaqeeya London Underground, Mana aha Markii ugu horeesay oo uu ka qeyb qaato Ciyaaro Olompic Games, waxa uuna sanadkii 2008, ka mid ahaa Wafdigii dalka Soomaaliya ugu qeyb galay Ciyaarihii Olompikada ee ka dhacay Magaalada Bejin ee dalka China.

Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)