Somali News
    Hees  

Taliska AMISOM oo ka warbixiyay Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaano ka mid ah Gobolka Sh/Dhexe

Mogadishu Sabti 23 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Taliska AMISOM oo ka warbixiyay Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaano ka mid ah Gobolka Sh/Dhexe.

Taliska ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ayaa ka warbixyay dagaal shalay ay ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay gacanta ku haayeen kooxda Al-shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidamada Midowga Afrik ee AMSIOM ayaa lagu sheegay in howlgal si wada jir ah ay u qaadeen shalay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay kula waregeen deegaanada Kala ah Ceel-cade, Garoonka diyaardaha Cisaley iyo Dekeda Macmalka ah ee Ceel-macaan.

AMISOM ayaa warkeeda ku sheegtay in Al Shabaab goobaha ay ka qabsadeen ay u isticmaali jireen in ay ka soo dajistaan sida ay hadalka u dhigeen hubka sharci darada ah, islamarkaana ay hoy u aheyd dagaalyahanada ka bar bardagaalama Xarakada Al Shabaab ee gacanka Cadmeedka kaga yimaada Soomaaliya.

Taliyaha AMISOM Andrew Gutt ayaa warsaxaafadeekiisa ku sheegay in talaabada Xigta ay uqaadi doonaan Degmada Balcad iyo degmooyin kale oo katirsan Gobolka Sh/dhexe.

Dhanka kale ma jiraan wax war ah oo ilaa iyo hada ka soo baxay kooxda Al-shabaab, iyadoo dagaalkii shalay lagu qaaday Al-shabaab la sheegay in looga dilay ku dhawaad 10 dagalyahan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)