|
Hey'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed oo Odayaasha dhaqanka Siminaar
ugu qabatay Magaalada Muqdisho
Mogadishu Axad 24 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Hey'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed oo Odayaasha dhaqanka Siminaar
ugu qabatay Magaalada Muqdisho
Hey'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta Siminaar looga
hadlayay sida lagu saleyn karo mustaqbalka qoysaska dhaqanka suuban iyo
caqiidada ugu qabatay magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka, iyadoo
siminaarkan ahaa mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay.
Ugu horeyn Siminaarkan oo uu furay Gudoomiyaha Hey'adda Midnimada
Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS Mudane Ciise Xasan Diinax ayaa sheegay inuu
ku faraxsan yahay inuu ka soo qeyb galo siminaarka odayaasha, isagoo
bogaadiyay ifafaalaha nabadeed ee ka jira Muqdisho.
"Waxaa sharaf ii ah inaan ka soo qeyb galo siminaarkan, odayaasha dhaqanka
door wanaagsan ayay nabada ka qaadan karaan, dalka waxaa uu ku jiraa
marxalad kala guur ah, waxaa loo baahan yahay in la xasiliyo, nabada la
xoojiyo, sidaas darteed ifafaalaha nabadeed ee la helay in guri walba iyo
geed walba loo galo sdii lagu xoojin lahaa"ayuu yiri Mudane Ciise Xasan
Diinax.
C/llaahi Cali Aadan (Baarbe) oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyed ee
Magaalada Nashville ee Gobolka Tennesee ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in
howlaha ay qabato Hey'adda UYS ay kala socdaan website-yada iyo
Telefishinada, isagoo soo dhoweeyay is bedelada dalka ka dhacay iyo sida
nabada loogu heelan yahay.
"Waxaan la socona is bedelada dalka ka dhacay, iyo nabada sida loogu heelan
yahay, Jaaliyada Nashville waxaa idinka sidaa salaan, qurbaha aan ka nimid
waxaa ka jira cariiri, waa meel qabow dadka u baahan cimilo wanaagsan,
dalkeena ayay taalaa, nabada aan heysano hadaan xoojino caruurteeni iyo
anagaba dalka dib ayaa ugu soo laaban karnaa, marxalado kala duwan la soo
maray"ayuu yiri C/llaahi Aadan Baarbe.
Xildhibaan Cali Seeko oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku
ammaanay Hey'adda UYS howlaha ay bulshada u heyso, isagoo xusay in waqti
culeys badan uu jiray ay howsha bilowday Hey'adda, isla markaana haatan
meel wanaagsan la marayo, isagoo ugu baaqay inay









Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|