Somali News
    Hees  

Ra'iisul wasaare Gaas: “Qabshada Balcad Waxaa Ku xIgi doona degmooyinka Marka iyo Jowhar....”

Mogadishu Arbaco 27 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ra'iisul wasaare Gaas: “Qabshada Balcad Waxaa Ku xIgi doona degmooyinka Marka iyo Jowhar....”

R/wasaaraha Xukumadda KMG Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qeybgalayay shalay munaasabad balaaran oo lagu xusayay 26-ka Jun oo lagu qabtay Taalada SYL ayaa ugu horeyn waxaa uu hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dr. Gaas ayaa nasiib daro ku tilmaamay in 52 sano kadib shacabka Soomaaliyeed ay ku sii jiraan wixii soo maray 21 sano ee ahaa Dhib,Colaad iyo Shido.

R/wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay inaan dib loogu laaban doonin tiiraanyooyinkii iyo murugooyinkii soo maray shacabka, Laakin waxaa uu xusay in loo baahan yahay in loo gudbo mar xalad cusub oo ah Nabadgelyo,Xasilooni,iyo hormar.

Cabdi Wali ayaa hoosta ka xariiqay inay lama huraan tahay in dalka laga saaro kooxda Al-shabaab, si buu yiri loogu gogol xaaro doorashada la filayo bisha Agosto ay ka dhacdo dalka.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa ka hadlay qabsashadii shalay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen degmada Balcad, isagoo tilmaamay in qabsashada Balcad ay ku xigi doonaan degmooyinka Marka iyo Jowhar.

“Qabshada Balcad Waxaa Ku xIgi doona degmooyinka Marka iyo Jowhar” ayuu yiri R/wsaaraha xukmada KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaaagaan Ciidamada Dowladda si buu yiri ay dalka uga saaraan Cadowga Al shabaab.

Hadalka R/wasaaraha ayaa waxaa uu imaanayaa xili guulo is daba jooga ah ay ka soo hoynayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM dagaalka ba'an ee ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)