|
Pierre Nkurunziza : “Waxaanu shaki ku jirin in xaaladda ka taagan Soomaaliya mar uun lagu xallin doono wadahadal iyo is-faham..."
Mogadishu Arbaco 27 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha dalka Bururndi Pierre Nkurunziza : “Waxaanu shaki ku jirin in xaaladda ka taagan Soomaaliya mar uun lagu xallin doono wadahadal iyo is-faham, laakiin haddii koox ka mid ah kooxaha ay diidaan wadahadal taasi waxay keenaysaa in awood ciidan loo adeegsado,”
Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ka dhawaajiyay in ciidamadiisa uusan kala baxeyn dalka Soomaaliya ilaa ay cagaheeda ay ku istaageyso.
Waxaa uu tilmaamay madaxweyaha Burundi inaysan iyagu dooran in Soomaaliya ay tagaan, balse ay ku tageen codsi kaga yimid Midowga Afrika, isagoo sheegay inay ciidamadooda ka shaqeynayaan sidii nabadda Soomaaliya lagu soo celin lahaa.
“Annagu uma aanan tagin Soomaaliya inaan qabsanno, waxay ku timid rabitaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa caalamka. Markii ay dhahdo dowladda Soomaaliya waan isku filannahay waana mahadsan tihiin ayay ciidamadeennu kusoo laaban doonaan dalkooda,” ayuu yiri madaxweynaha Burundi.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan karo hanaankii dib u heshiisiinta ee ka aloosnayd dalkiisa, isagoo xusay in wadahadalladu ay yihiin kuwa keliya ee looga bixi karo dhibaatada taagan.
“Waxaanu shaki ku jirin in xaaladda ka taagan Soomaaliya mar uun lagu xallin doono wadahadal iyo is-faham, laakiin haddii koox ka mid ah kooxaha ay diidaan wadahadal taasi waxay keenaysaa in awood ciidan loo adeegsado,” ayuu yiri Pierre Nkurunziza.
Dalalka Burundi iyo Soomaaliya waxay dagaallo sokeeye ka billowdeen sannadihii sagaashameedyadii iyadoo Burundi ay ku guuleysatay 10-sano kaddib inay xalliso dhibaatadeedii, balse Soomaaliya 20-sano oo dagaallo ah weli looma helin xal.
“Waxaan soo dhaweynaynaa in Soomaaliya ay kusoo biirto ururka ay leeyihiin bulshada bariga Afrika, taasi waxay xoojinaysaa awooddeenna,” ayuu yiri Pierre oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu arko codsiga DKMG ah ay ku doonayso inay uga midnoqoto ururka EAC.
Ciidamada Burundi ayaa ka mid ah ciidamada ka socda midowga Afrika ee jooga Soomaliya, waxaana ay qeyb lixaad leh ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka soconaya gobolada Dalka Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|