Somali News
    Hees  

AMISOM oo sheegtay inay wado qorshihii ay ku qabsan lahaayeen magaalada Kismayo

Mogadishu Khamiis 28 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


AMISOM oo sheegtay inay wado qorshihii ay ku qabsan lahaayeen magaalada Kismayo

Qabsashada Magaalada Kismaayo oo iminka ay ka taliyaan Al-Shabaab ayaa noqotay qorshaha ugu badan ee Sarraakiisha Amisom ay ku mashquulsan yihiin iyadoona Dowladaha Ethopia iyo Kenya ay todobaadkii hore kala saxiixdeen Heshiis ku aadan lawareegida Kismaaayo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa laga soo xigtay in Askarta Amisom ee dhawaan qabsaday Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo duleedyada ka ah Muqdisho ay sugayaan Diyaarado dagaal oo ay kasoo iibsadeen Ruushka islamarkaana ay doonayaan in ay horay ugu sii socdaan ilaa ay ka gaarayaan Magaalada Kismaayo.

Saraakiishan katirsan ciidamada Uganda ayaa tilmaamay kaliya inay sugayaan ogolaashaha QM iyo Midowga Africa si ay Diyaardahaasi dhanka hawada uga Caawiyaan Duulaanka lagu qqadayo Magaalada Kismaayo oo kamid ah goobaha Al-Shabaab uu kasoo galo dhaqaalaha ugu badan.

Wasiirka Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji oo dalkiisa uu qeyb kayahay Holgalka Amisom ayaa sheegay in Ethopia ay isku afgarteen in Soomaalia iyo Wadamada kaleee geeska Africa laga dhiga goob nabdoon oo aysan Xubnaha Al-Qaacida ee Xarakada Al-Shabaab kabar bar dagaalama.

“Waxa aan guul kagaarnay Howsha ilaa iyo xad wanaagsan lkn shaqada ma aan dhaneystirin waxaan rabaa Al-Shabaab iay fahmaan in dhamaanteen aan isku kaashaneyno sidii aan uga xoreyn laheyn Ciida Soomaalia” ayuu yiri Yuusuf Xaaji.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)