Somali News
    Hees  

Ra’iisul wasaare Gaas oo kulamo ammaanka Soomaaliya quseeya la qaadanaya madaxda dawlada Uganda

Mogadishu Khamiis 28 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ra’iisul wasaare Gaas oo kulamo ammaanka Soomaaliya quseeya la qaadanaya madaxda dawlada Uganda

Sida uu ku waramayo wargeyska New Vision ee ka soo baxa wadanka Uganda R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas oo dalkaasi ku sugan ayaa lagu wadaa inuu kulamo ku saabsan amaanka Soomaaliya uu la qaato madax sar sare oo ka tirsan dawlada Uganda.

R/wasaare Gaas ayay wararku sheegayaan inuu la kumi doono M/weynaha dalkaasi Yuweri Musaveni, dhigiisa Uganda, ninka la yiraahdo Amama Mbabazi iyo taliyaha ciidamada Gen Aronda Nyakairima.

Wargeyska ayaa ku waramaya in R/wasaaruhu uu xubnahaan kala hadli arrimaha amaanka dalka iyo dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada AMISOM oo ay ku jiraan ciidamada dawlada Uganda.

R/wasaaraha ayaa booqan doona ehelada askar ku geeriyootay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalada ka socda gudaha Soomaaliya ee ay xarakadda Al-Shabab kula jiraan.

Dawlada Uganda waxay ka mid tahay wadamada Africa ee siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba taageera dawlada KMG ee Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)