Somali News
    Hees  

Ciidamada DKMG ah oo Maanta howgallo ka sameeyay degmada Huriwaa

Mogadishu Khamiis 28 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada DKMG ah oo Maanta howgallo ka sameeyay degmada Huriwaa

Ciidamada Dowlda ka tirsan ayaa maanta ka sameeyay howgallo ay kusoo qabqabteen dhallinyaro badandegmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kaddib markii xalay la weeraray guriga guddoomiyaha iyo saldhigga degmadaas.

Dhallinyarada howlgalkan lagu soo qabqabtay oo tiradooda lagu sheegay dhowe iyo toban ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Malayshiyada Al-shabaab ayna ka mid ahaayeen kuwii fuliyay weerarkii xalay ka dhacay Huriwaa.

"Saldhigga booliiska iyo gurigeyga ayaa xalay la weeraray, mana jirto cid wax ku noqotay weerarkaas," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan oo la hadlay saxaafadda.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weerarkan uu ahaa mid ay Al-shabaab ku doonayso inay taageerayaasheeda ku tusto inay weli qaybo ka mid ah Muqdisho ku sugan yihiin, isagoo xusay inay degmada ka billowdeen howlgallo lagu sugayo ammaanka.

Howgallada laga sameeyay degmada Huriwaa ayaa intii uu socday waxaa xayirnaa isku socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga, iyadoo degmadan ay ka mid tahay degmooyinkii ay ku dagaalameen ciidamada DKMG ah, kuwa
AMISOM iyo Laqaacida Somalia ee Al-shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)