|
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaaday in Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud aysan wax lug ah ku lahayn eedeymo loo jeediyay
Mogadishu Khamiis 28 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaaday in Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud aysan wax lug ah ku lahayn eedeymo loo jeediyay
Kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayuu waxa uu ka soo saaray go'aan ay ku sheegay in shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom aysan lug ku lahayn dhammaan eedeymihii horay loogu jeediyay.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ayaa waxaa horay loogu eedeeyay inay taageerto Al-Shabaab, iyadoo Golaha ammaanka uu sheegay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday in shirkaddu aysan wax lug ah ku lahayn eedeymahaas.
Go'aankan oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray 26-kii bishan Juun ayaa looga bariyeelay shirkadda dhammaan eedeymihii lagu eedeyyay, iyadoo ay horay golaha wasiirrada dowladda KMG ah u sheegeen in eedeymihii horay la soo jeediyay ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.
Xubnaha Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen 24-kii May ee sannadkan waxayna sheegeen in baaritaanno ay la sameeyay ay muujiyeen in shirkaddu inaysan lug ku lahayn eedeymihii loo soo jeediyay.
Dhinaca kale shirka golaha wasiirradu ayaa lagu caddeeyay in shirkadda Hormuud ay tahay mid qiime weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay sheegeen inay ka shaqeeyaan 3,000 oo shaqaale ah, iyadoo Shirkadda Hormuud ka howlgasho Koonfurta Soomaaliya min Koonfurta Gaalkacyo illaa deegaanka Raas-kambooni, iyadoo inta u dhexeysa deegaannadaas ku leh xarumo isgaarsiineed oo u adeega Shacabka Soomaaliyeed..
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|