|
Dood cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Haweenka ku yeelan karaan Nabada iyo xasiloonida dalka oo Muqdisho lagu qabtay
Mogadishu Khamiis 28 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dood cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Haweenka ku yeelan karaan Nabada iyo xasiloonida dalka oo Muqdisho lagu qabtay
Dood Cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Hormuudnimo ee Haweenka Soomaaliyed ku yeelan karaan nabada iyo xasiloonida dalka oo ay ka qeyb galeen boqolaal haween ah ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS oo soo qaban qaabisay dood cilmiyeedka ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha degmada Warta Nabada Ex Wardhiigley ahna Gudoomiyaha Haweenka UYS Deeqo C/qaadir Axmed, Gudiga Haweenka UYS iyo Ururada Haweenka.
Gudoomiyaha Hey'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed Mr Ciise Xasan Diinax oo furay siminaarka ayaa sheegay in Haweenka ay door hormuudnimo ku leeyihiin hogaanka bushada iyo inay ka qeyb qaataan nabada iyo horumarinta dalka.
"Waxaa sharaf ii ah inaan ka soo qeyb galo dood cilmiyeedkan, runtii Haweenka Soomaaliyed ayaga hogaan u ah bulshada, door hormuudnimo ayay ka qaadan karaan nabada, ifafaalaha iyo is bedelka jira waa in la xoojiya"ayuu yiri Mr Ciise Xasan Diinax.
Mr Ciise ayaa sheegay in haweenka ay maamulka guriga yihiin, isla markaana nabada ka soo bilaabi karaan caruurtooda iyo raggooda, si dalka xasilintiisana ay uga qeyb qaataan.
Deeqo C/qaadir Axmed oo ah Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada ahna Gudoomiyaha Haweenka UYS ayaa sheegtay in haweenka looga baahan yahay in bulshada dhiira geliyaan, si nabada loo sugo, waxaana ay ugu baaqday in ciidamada ammaanka ay la shaqeeyaan.
"Haweenka waa dhiira geliyaha bulshada iyo nabada, waa in ciidamada la shaqeeyaa oo ay garab istaagaan, si loo dhiira geliyo, ciidamada waxay gaareen meelihii ay ka soo weerari jireen, waxaana laga rabaa haweenka inay ammaanka ka qeyb qaataan"ayay tiri.
Xaawo Cali Maxamuud (Xaawo Kiin) ayaa sheegtay in haweenka ay kaalintooda ka qeyb qaadan karaan, hase ahaatee ay jiraan caqabado ku hor-gudban, isla markaana haweenka ay la kulmaan dhibaatooyin tacadiyo, kufsi iyo jirdil, waxaana ay ku baaqday in haweenka la xaq dhowro.
Sidoo kale Raxmo Dahir Maxamed oo ka mid ah Gudiga Haweenka UYS ayaa sheegtay in haweenka ay ka qeyb qaateen halganka xornimo doonka, isla markaana doorkooda yahay mid lama taabtaan ah.
Waxaa kaloo ka hadlay dood cilmiyeedka Luul Warsame Guuleed, Carfoon wehliye Siyaad iyo Faadumo Axmed Geeddi oo ka mid ah Gudiga Haweenka UYS, kuwaas oo cadeeyay in haweenka sida kaliya nabada uga qeyb qaadan karaan ay tahay inay isku xirnaadaan, isla markaana ay guri guri, xaafad xaafad ilaa tabeelo ka bilaabaan isku xirka bulshada iyo xoojinta ammaanka
Ugu dambeyn waxaa soo xirtay Dood cilmiyeedka Jawaahir Baarqab oo sheegtay inay jiraan dad aan nabada ogoleyn, waxaana ay xustay in xilliga kala guurka looga bixi karo in la adkeeyo ammaanka iyo xasiloonida, iyadoo ammaan u soo jeedisay Hey'adda UYS oo soo qaban qaabisay dood cilmiyeedkan.












Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|