|
AMISOM oo hub Al-Shabaab ay leeyihiin ka soo qabtay Degmada Balcad
Mogadishu Khamiis 28 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AMISOM oo hub Al-Shabaab ay leeyihiin ka soo qabtay Degmada Balcad.
Taliyaha Ciidamada Uganda ee Soomaalia kusugan Paul Lokech ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Amisom ee dhawaan lawareegay Magaalada Balcad ee Gobolka Sh.dhexe ay Gacanta ku dhigeen Hub fara baan oo uu tilmaamay in ay Al-Shabaab doonayeen in Amni daro ay ku sameeyaan.
Paul Lokech Hubka uu sheegay in ay soo qabteen ayaa waxaa kamid ah 8 Qoryaha fud fudud ee daran dooriga udhaca ,Qoriga Garabka lag tuuro ee RBG loo yaqaano ,iyo qoriga Dabajeexa ah.
Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom oo kusugan Degmada Balcad ayaa sheegay in kadib markii ay qabsadeen Magaaladaasi uu Isbadal weyn ku yimid Nabadgaliyada islamarkaana Al-Shabaab ay dhibaato ku heyn jireen Shacabka kunool Balcad.
Sidookale Lokech waxaa uu shaaciyay in Al-Shabaab ay isku dayeen dhowr jeer inay wadada u galaan Gawaarida Ciidamada Amisom gaar ahaanna Gaadidka Sahayda u qaada isagoona sheegay in Balcad ay isku xirto Magaalada Muqdisho ilaa iyo Bunt land sidaasi darteedna ay Muhiim u tahay ciidii qabsata.
inkastoo hadalkan uu kasoo baxay Cidamada Amisom ee dhawaan lawareegay Degmada Balcad ee Gobolka sh.dhexe ayaa hadana aysan jirin cid madax banaan oo cadeyn karta sheegashada Amisom ee kusaabsan inay so qabteen Hub ay lahaayeen Xarakada Al-Shabaab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|