|
Madaxweyne Shariif: "Waan Cafinaynaa Burcad badeeda haddii ay laabtaan Howlaha ay ku jiraan.."
Mogadishu Khamiis 28 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Shariif: "Waan Cafinaynaa Burcad badeeda haddii ay laabtaan Howlaha ay ku jiraan.."
War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu cafis u fidinayo cid kasta oo ka soo laabata Burcad badeednimo, islamarkaana ay joojiso falalkaasi foosha xun.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in iyadoo la eegayo todobaadka dabaaldaga Munaasabadaha Soomaaliya in Madaxweynaha dowladda uu cafis ballaaran u fidinayo cidii ka soo laabata falalka burcad badeednimada.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu balan qaadayo cidkasta oo ka soo laabata arrimaha Burcad badeednimada maalmaha 26-June ilaa 1-da Luulyo inuu u fidinayo cafis ballaaran kooxaha ka baxa falalka Burcad badeeda.
"Waan Cafinaynaa Burcad badeeda haddii ay laabtaan Howlaha ay ku jiraan, waxaana looga baahan yahay Burcad badeeda inay ka faa'iidaystaan cafiska aan u fidinayno todobaadka dabaaldaga Munaasabadaha Soomaaliya" ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Dhinaca kale cafiska Madaxweynaha dowladda uu ku dhawaaqay inuu u fidinayo cidii ka soo laabata arrimaha burcad badeednimada ayaa ku soo aadaysa iyadoo magaalada Dubai uu ka furmay shir looga hadlayo arrimaha burcad badeeda Soomaalida.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|