|
AMISOM oo sheegtay inay taliyaal ciidan oo Shabaab ka tirsanaa ku dileen Balcad
Mogadishu Khamiis 28 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AMISOM oo sheegtay inay taliyaal ciidan oo Shabaab ka tirsanaa ku dileen Balcad
Taliye ku xigeenka ciidamada Midawga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM Audace Nduwumunsi ayaa maanta wakaaladaha wararka u sheegay in degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo ay dhawaan la wareegeen ay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa taliyaasha dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab ee degmadaasi ku sugnaa.
Audace Nduwumunsi waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in inkastoo aysan jirin wax iska cabin xoogan ah oo ay kala kulmeen dagaalyahanada Al-Shabab ee Balcad haystay haddana ay jiraan tiro badan oo taliyaal ciidan oo Shababka ka tirsanaa sida uu sheegay inkastoo uu ka gaabsaday inuu tiradooda iyo magacyadooda uu baahiyo.
“Waxaan idiin xaqiijinayaa inaan degmada Balcad aanu ku dilay dhawr taliyaal ciidan o Shabab ka tirsanaa marka ay tageen ciidamadeena iyo kuwa dawladaba” ayuu yiri Audace Nduwumunsi taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM.
Sidoo kale Nduwumunsi waxaa uu hadalkiisa ku sheegan in degmada Balcad ay tahay meel muhiim u ah ciidamada AMISOM iyo dawlada waxaana uu intaa ku daray in tan iyo markii Al-Shabab ay ka qabsadeen degmada Afgooye oo Sh.hoose ka tirsan ay Balcad u aheyd meel laga soo maleego weerarada amaan darid ah ee ay ka geystaan magaalada Muqdisho sida uu yiri.
Taliye ku xigeenku waxaa uu tilmaamay in hadda Balcad ay ka mid noqonayso magaalooyinka nabdoon Muqdisho ay ka bad baadi doonto weeraradii Shababku magaaladaasi ka soo maleegi jireen.
Ciidamada AMISOM oo taageera kuwa dawlada ay dhawaan ka saaray degmada Balcad dagaalyahada Al-Shabab iyadoona hadda dawlada iyo AMISOM ay maamuulaan degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo Muqdisho labada dhinac kaga yaala.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|