Somali News
    Hees  

Somaliland oo sheegtay inaysan ka tanaasulayn inay noqdaan dawlad madax banaan

Mogadishu Jimco 29 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Somaliland oo sheegtay inaysan ka tanaasulayn inay noqdaan dawlad madax banaan.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo oo Maalintii shalay magaalada Dubai kula kulmay Madaxweynaha Dowladda KMG ah Soomaaliya Shariif Shaikh Axmed ayaa waxa uu sheegay inaysan marnaba maamulkiisu gor gortan ka gali doonin inay noqdaan dawlada ka madax banana Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu shaaciyay in kulankii la qaatay Madaxweyne Shariif uusan micnihiisu aheyn midaynta labada gobol hase ahaatee uu ahaa mid ku saabsan iskaashiga la dagaalanta kooxaha burcad badeeda, Al-Shabaab iyo hormarinta dhaqaalaha gobolka sida lkagu qoray wargeyska Khaleej Times oo magaalada Dubai ka soo baxa.

Madaxweynaha maamulka Somaliland waxaa uu sidoo kale tilmaamay in maamulkisu sii ahaan doono dawlad ka madax banana Soomaaliya inteeda kale xataa marka la gaaro bisha August oo la wado qorshe Soomaaliya loogu dhisayo dawlad dhexe.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay inay doonayaan inay ka qeyb qaataan nabadaynta Soomaaliya xilligaan uusan qorshuhu aheyn inay la midoobaan Soomaaliya inteeda kale.

Sidoo kale la taliyha Madaxweynaha maamulka SoomaaliLand Cali Axmed ayaa sidoo kale u sheegay wargeyska Khaleej Times beesha caalamku hadda la dhacsan tahay siyaasada maamulkoodu ku shaqeeyo isla markaana ay diyaar u yihiin in ciidamada booliska Somaliland ay tababaro siiyaan kuwa dawlada Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ee wqooyiga Soomaaliya ayaa bilawgii sagaashamaadkii sheegay inay Soomaaliya ka go’een inkastoo aysan wax aqoonsi ah beesha caalamka ah ka helin.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)