Somali News
    Hees  

Faroole oo ka soo horjeestay, Heshiiska ay wada gaareen Madaxweyne Shariif & Siilaanyo

Mogadishu Jimco 29 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Faroole oo ka horjeestay, Heshiiska ay wada gaareen Madaxweyne Shariif & Siilaanyo

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxman Faroole ayaa si kulul uga hor yimid heshiis maalinti shalay ay ku saxiixdeen magaalada Dubai madaxweynaha dowlada Soomaliya Sheekh Shariif iyo madaxweynaha maamulka Soomaaliyeed ee Somaliland

Mudane Faroole ayaa ugu horeyn ku tilmaamay heshiiska labada madaxweyne mid shaqsiyadeed oo aan matalin dhul iyo dad balse ay aheed wada sheekeesi dhax maray madax Soomaaliyeed.

Faroole ayaa sicad uga hor yimid shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Landon isagoo sheegay in xubno matalayay Puntland lagu badalay xubno kale taasi oo ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh shariif.

"Aniga iyo Siilaanyo shirka burcad badeedka ayaa isku gacan qaadnay, kulan Shariif iyo Siilaanyo mid gaar ah buu ahaa oo dowladda Imaaraadka Carabta ay isa tusisay, Siilaanyo wuxuu rabaa Ictiraaf, Shariifna olole doorasho ayuu Madaxweyne ku rabaa in mar kale ku noqdo, kulankaas wuxuu ahaa mid labadooda gaar ahaa oo aan dan Soomaali ku jirin" ayuu yiri Faroole.

"Nairobi ayaan ku kulanay madaxweyne Shariif waxaana uu sheegay qaabka uu ula hadlayo Siilaanyo laakin sidi aan ku balanay wuu hareer maray", ayuu yiri madaxweyne Faroole oo hadalkiisa laga dhadhansan karay sida uu uga xun yahay hab dhaqanka madaxweynaha oo lamoodo in Faroole yahay kan xisaabin lahaa.

Waxaa uu sheegay in qodobo kooban oo ay ku heshiiyeen waxba soo kordhineyn, isla markaana kulanka uu ahaa mid labadooda quseeyay, isla markaana aanu isaga u cuntamin.

Madaxweyne Faroole ayaa noqday madaxweynaha ugu saameenta badan dhamaan madaxweynayaashi soo maray maamulka Puntland isagoo mar walba hadalo kulul kadhaho isbadalada siyaasadeed ee ka jira dalka soomaaliya jecelna inuu meel walbo asiga un ka muuqdo hadii kalena waxba kama jiraan ku tilmaama.

Mudane Faroole ayaa dhanka kale waxa hadalkiisa ay ufasireen raga daraaseeya siyaasada Soomaaliya in Faroole shaki ka qabo in isfaham siyaasadeed uu dhax maro madaxweyne Shariif iyo maamulka Somaliland oo laga yaabo in lagu qanciyo cad sharafeed aysan wiligood yeelan taasi oo ugogol xaari karto iney ogolaadaan iney ku soo biiraan dowlada cusub ee Soomaaliya u dhalan doonto taasi oo sidoo kale Shariif usahli karto in guushaas darteed markale noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Faroole ayaa shaki weyn ka qaba isfaham dhax mara dowlada Somaliya iyo maamulka Somaliland ay noqon doonto dhabihi lagu wiiqi lahaa awooda maamulka Puntland oo xiligaani ugu tunka weyn maamulada dowlada taageersan

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)