Somali News
    Hees  

Imaaraatka Carabta oo dhaqaalo ugu deeqday Ciidamada Badda Soomaaliya

Mogadishu Jimco 29 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Imaaraatka Carabta oo dhaqaalo ugu deeqday Ciidamada Badda Soomaaliya

Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka isutaga Imaaraatka Imaaraatka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan oo qudbad kajeedinayay gaba gabada shir looa hadlayay Burcada Biyaha Soomaalia ayaa sheegay in Dowladiisa ay Soomaalia ugu deeqday $1Million oo Dollar oo dib loogu tayenayo Ciidamada Badda Soomaalia.

Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa tilmaamay in uu ku rajo weyn yahay Lacagtaas lagu qalabeyn doono Ciidamada Badda Soomaalia si ay awod ugu yeeshaan la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalia.

Ugu dambeyn Wasiirka arimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta ayaa kadalbaday dalalka Caalamka in ay bixiyaan dhaqaalo lagula la dagaalamo Burcad badeeda Afduubka u geysta Gaadiid badeedka isticmaala Biyaha Soomaalia iyo goobaha ka baxsan.

Dhinaca kale Dowladda Imaaraadka ayaa iyadu taageersan Dowladda Soomaaliya, iyadoo hadana balan qaaday inay taageerayaan Dowladda KMG ah, waxayna Dowlada Soomaalia ugu deeqday $1Million oo Dollar oo dib loogu tayenayo Ciidamada Badda Soomaalia.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)