Somali News
    Hees  

Ka soo horjeedid Shirka Nairobi eek u saabsan ayaaha Jubbooyinka & Gedo

Mogadishu Jimco 29 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ku: Madaxda sare ee Dowladda Kmg. ah ee Soomaalia.
Ku: Urur Goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka.
Og: Hogamiye Beeleyada ku shiraya Nairobi.

Ujeeddo: Ka soo horjeedid Shirka Nairobi eek u saabsan ayaaha Jubbooyinka & Gedo.

Anigoo ku hadlaya magaca Ururka United Gosha Congress (UGC), ururkaasi oo u dooda xaqooqda dadka dega deegaanka barwaaqada ah ee Gosha, kana tirsan Jubbooyinka, dadkaasi oo 21-kii sanno ee la soo dhaafay lagu hayey xad-gudubyo XaquuqulI Insaanka, noocyadooda kala duwan, dulmi iyo midab-takoor aad iyo aad u xag jira. Xadgudubyadaasi oo inta badan ay geysteen Hogaamiye Beeledyo aad loo yaqaan.

Sida aad la socotaan Xasuuqii ka dhacay Jubbooyinka ee loo geystay beeshaasi degta Gosha, ujeedadiisuna aheyd in beeshan laga tirtiro dhulka barwaaqada ah webiga Jubba hareerahiisa, si loogu beero beelo ka soo haajiray deegana ka baxsan Jumhuuriyadda Soomaaliya Geographically.

Annagoo tixraacayno xadgudubyadaasi, iyo dulmigaasi loo geestay beeshaasi mugga iyo miisaanka culus ku lee Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxaa si bareer ah looga reebay inay ka soo qeybgalaan shirkaasi looga arrinsanayo ayaaha goboladaasi.

Taasi oo ah dulmigii soo jireenka ahaa, oo la sii dulsaarayo dulmi kale, waana ayaan darro beelihii ka qeybqaatay xasuuqii iyo xadgudubyadii, iyagoo Shaarar kale huwan inay yiraahdaan, waxaanu ka arrinsanaynaa ayaaha Goboladaasi.

Waxaanu ka codsanaynaa, Dowladda Kmg. ah, iyo hay’adaha warqadani tooska ugu socoto inaysan taageerin kooxahaasi hab qabiil ee dahsoon ku doonayo inay ku xalaashadaan degaano aysan Ab, iyo Isir toona u lahayn.
Hadaanu nahay Ururuka United Gosha Congress, waxaanu soo jeedinaynaa taladaan:
1. Waan in marka hore la qabtaa shir dib u heshisiineed ee beelaha Dega Jubbooyinka ay u dhanyihiin.
2. Beelaha Dulmiga geystay waa inay qirtaan denbiyadooda, kuwa loo geystana ay Cafis bixiyaan
3. In beelaha Jubbooyinka laga soo dhex xullo ergooyin ka arimiya aaya ka talinta Jubbooyinka, iyadoo la ee gayo, lana tix gelinayo beelwalbo deegaanka ay ka degto goboladaasi, iyadoon la tixgelinayo degma wal inta tuulo ee ku taalo.
Waxaan ka digeynaa inay beel is biddo inay xoog iyo awood wax ku maquuniso.

Afhayeenka Ururuka United Gosha Congress (UGC)
Ibrahim Mohamed Abdi (Ibrahim Akuja)

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)