|
Safiirkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee wadanka Malaysia oo booqashadii ugu horeysey ku bixiyey jaamacada caalamiha ah ee Al-Madiina
Jimco 29 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Safiirkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee wadanka Malaysia oo booqashadii ugu horeysey ku bixiyey jaamacada caalamiha ah ee Al-Madiina
Safiirka Soomaaliya ee wadanka Malaysia; His excellence Ambassador: Salaad Cali Ibraahim, ayaa booqasho gaaban ku tagay jaamaca caalamiga ah ee Al-Madiina (Al-Madinah International University, Shah Alam-Malaysia). Nasiib wanaag Jaamacada Al-Madiina ayaa waxeey noqotey Jaamacadii ugu horeeysey, ee ku taalla wadankan Malaysia ee uu Safiirku booqdo, maadaama jaamacadan eey dhigtaan ardey soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 163-ardey, kuwasoo waliba sii kordhaya Simisterkasta.
Safiirka ayaa wuxuu la kulmay Madaxa Jaamacada (The Rector) Prof. Dr. Mohammad Bin Khalifah Al-Tamiimi, Mas’uulka heysata qeybta Arimaha Ardeyda (Student Affairs Division): Asst. Prof. Dr. Umar Ibrahim Ahmad Ridhwan iyo ku xigeenkiisa: Asst. Prof. Dr. Mubarak Munssour Ebodey, wuxuuna Safiirku dhamaan mas’uuliyiintaa uu la kulmey, si wadaniyadi ku dheehantahay ugala hadley sidii ardeydaa Soomaaliyeed loo caawin lahaa, oo si gaar ah oo naxariis walaaltinimo eey ku jirto, loo tixgalinlahaa duruufahooda gaarka ah, ee wadankoodii hooyo uu ku jiro. Kadib Safiirka ayaa waxaa warbixin (visual presentation) laga siiyey guud ahaan jaamacada, dibadeedna dhismaha jaamacada ayaa lagu soo wareejiyey (campus tour).
H.E. Danjire: Salaad Cali Ibraahim waa Safiirkii ugu horeeyey ee Soomaaliya waligeed ku yeelato wadanka Malaysia. Waxaana wax lagu farxo ah, tixgalin gaar ahna mudan, in isagoo Safiirku cusubyahay, oo mudo aad u gaaban, oo xaqiiqdiiba ah Sadex bilood oo qura rasmiyan, uu degdeg u bilaabey u kuurgalida arimada Ummadiisa Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia, iyo xalinta dhibaatooyinka heysta, tasoo eey aad ugu qushuuceen, ulana dhaceen Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia.
Ugu dambeyntiina waxaa loo soo galbiyey Safiirka Dabaqa 14-aad, halkaas oo eey ku sugayeen dhamaan ardeyda Soomaaliyeed ee waxkabarata Jaamacada Al-Madiinah International University, iyo jaamacadaha ku yaalla Magaalada Shah Alam iyo nawaaxigeeda.
Kulankaa oo eey soo qabanqaabiyeen Macallimiinta Soomaaliyeed ee Jaamacada Al-Madiina sida: Dr. C/Qaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” iyo Dr. Cabdisalaam Xuseen Malla, oo labaduba wax kawada dhiga Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, ayaa ku soo dhaweeyeyey Danjiraha, Wafdigii Safaarda ee la socdey iyo Mas’uuliyiintii jaamacada. Dr. C/Boqor oo mar la hadlayey kasoo qeyb galayaasha kulanka ayaa yiri “Hadii Shalay Mujtamaca Soomaaliyeed ee Malaysia, eey ahaayeen kuwa Agoon ah, oo Safiir iyo Safaarad looga heybeysto aanan heysan, ama eey dhibaatooyinkoodaba ula ordaan, nasiib wanaag! Waxaa maanta ina dhex fadhiya Safiirkeenii rasmiga ahaa, taasoo xaqiidii ah arin aan aad ugu wada baahneyn”.
Safiirka ayaa ardeydii ka soo qeybgashey kulankaa u qudbeeyey, kuna dhiiragaliyey, oo aad ugula dardaarmey in eey si dhab ah wax u bartaan, wadankoodii u fikiraan, dadka eey la noolyihiin ixtiraam iyo usluub wanaag kula dhaqmaan, sharciga wadanka eey ku noolyihiina ilaalilyaan, isagoo si gaar ah afka ugu adkeeyey in dhamaan muwaadiniinta Somaaliyeed eey wadankii hooyo matalaan, oo hadba sida iyaga laga arko Dadkii iyo Dalkiiba looga tusaale qaadanayo. Waxaa sidoo kale kulanka qudbooyin dardaaran iyo dhiiragalin ah kasoo kala jeediyey Dr. Cumar. Dr. Mubaarak iyo Dr. C/Salaan. Gabagabadii iyo Gunaanadkii ayaa safiirku wuxuu u fasaxey ardeyda in eey su’aalo weydiiyaan, ugana wada jawaabey. Guud ahaana jawi farxad iyo raynrayn ah aayuu kulankii qiimaha badnaa ee taariikhiga ahaa ugu soo gabagaboobey.




W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|