Somali News
    Hees  

Shirkadda Dahabshiil Waxa ay iska fogeyneysaa Wararka la xidhiidhinaya Isbedelka Maamul ee Shirkadda TELCOM

Hargeysa Jimco 29 June 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Shirkadda Dahabshiil Waxa ay iska fogeyneysaa Wararka la xidhiidhinaya Isbedelka Maamul ee Shirkadda TELCOM

Warsaxafadeed ka soo baxay shirkadaha Dahabshiil maanta ayaa si rasmi ah u caddeeyay in warka saxaafada qaar ku soo baxay ee ah in shirkada Dahabshiil iibsatay shirkada Telecom aanu run ahayn oo yahay ku-tiri-ku-teen, mala-awaal ah oo xaqiiqada ka fog.

War-saxaafadeedka Shirkadda, oo ka soo baxay Xarunta Shirkaddu ku leedahay magaalada Hargeysa, waxa uu u dhignaa sidatan:

“Waxa beryahan dambe warbaahinta kala duwan ee Soomaalida ku soo baxayey warar kala duwan oo sheegayey in Shirkadda Dahabshiil la wareegtay mulkiga iyo maamulka shirkadda Isgaadhsiinta ee TELCOM, shaqaalaheediina kala dirtay.

“Haddaba, waxa shirkadaha Dahabshiil Group si rasmi ah u caddaynayaan in uu warkaasi yahay ku-tiri-ku-teen, mala-awaal ah oo xaqiiqada ka fog. Shirkadaha Dahabshiil Group waxba kalama socdaan, wax lug ahna kuma laha arrimaha u gaarka ah Shirkadda TELCOM.

“Waxa Shirkaddda Dahabshiil bulshadu ku baratay, kuna tixgelisaa, adeeg hufan, ammaano iyo u-dhego-nuglaanta arrimaha la xidhiidha daryeelka bulshada.

“Sidaa darteed, shirkadda Dahabshiil waxay u taagan tahay daryeelka iyo u-adeegidda bulshada goor kasta iyo goob walba iyada oo aaminsan in bulshadu horumar ku gaadhi karto dhiirrigelinta fursadaha shaqada iyo kobcinta dhaqaalaha.”

Hassan M Jama "Heiss"
Public Relations & Media
Dahabshiil Operations Center
Tel. +47 6705 9884 (Office); +252 7 9100001

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)