|
Lamaanayaashii South Africa "Burcad badeeddu waxa ay inoola dhaqmeen si ka xun xoolaha"
Mogadishu Jimco 29 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Lamaanayaashii South Africa "Burcad badeeddu waxa ay inoola dhaqmeen si ka xun xoolaha"
Lamaanayaashii todobaad ka hor laga sii deeyay gacanta burcad badeedda kana soo jeeday dalka koonfur africa oo muddo labo sano ku dhow ku jiray gacanta kooxaha burcad badeedda soomaalida oo ku laabtay dalkooda ayaa ka warbixiyay sida loola dhaqmay intii ay ku jireen gacanta burcad badeedda.
Bruno pelizzari iyo xaaskiisa Deborah calitz ayaa shir jaraa’id warfidiyeenada ugu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka koonfur Africa , waxana ay sheegeen in kooxihii gacanta ku hayay ee burcad badeedda ahaa ay ula dhaqeen si ka xun xoolaha oo mararka qaar ay ugu hanjabi jireen inay dili doonaan haddii aan la siinin lacagta madaxfurashado ah.
"Waxa ay ahaayeen kuwo na hantadi jiray oo mararka qaar noola dhaqmi jiray si ka xun xoolaha "sidaana waxaa tiri Deborah calitz , iyadoo sheegtay in somalai ay ku soo qaateen waqti murugo leh oo aan la hilmaami karin
Haweenaydan ayaa sidoo kale sheegtay in arin lama filaan ah ay ku noqotay markii loo sheegay in xurriyadoodii ay heleen oo waxa ay leedahay "waxa ay ila ahayd riyo , waxaan aaminsanaa in dib aan u arki doonin eheladeena.
Sidoo kale Bruno pelizzari ayaa isna sheegay in kooxahii burcad badeedda ahaa ee haystay ay ahaayeen kuwo waji macbuusiin ah , waxana uu tibaaxay in mararka qaarkood ay soo wajihi jireen caqabo la xiriira dhanka cunnada ,jiifka .
"Subax waliba way inoo imaanjireen , indhaha ayay toosh nooga qaban jireen , hadii aan la hadalno waxa ay ahaayeen kuwo naga aamusa "ayuu Bruno pelizzari u sheegay warfidiyeenadii ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Johannesburg .
Wasiirka arimaha dibaddda dalka koonfur Africa oo kamid ahaa mas’uuliyiintii south Africa ee ka qeybqaadatay soo dhaweynta lamaanahan ayaa isna sheegay inay ku faraxsanyihiin in lamaanaha ay dib dalkooda ugu soo laabtaan .
Bruno pelizzari iyo xaaskiisa Deborah calitz ayaa u mahadceliyay dowladaha south Africa , talyaaniga iyo dowladda KMG Somalia kuwaas oo sida ay sheegeen ka qeybqaatay sidii dib xurriyaddooda ay u heli lahaayeen.
Inkastoo la isku maandhaafsanyahay in lamaanayaashan lagu sii deeyay lacag madaxfurasho ah iyo in kale ayaa qaar ka tirsan ehelada lamaanayaashan waxa ay qireen inay dhiibeen lacago madax furasho ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|