|
Al-Shabaab gobolka Gedo oo xabsiga dhigay ku dhawaad 100-Haween ah
Mogadishu Jimco 29 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabaab gobolka Gedo oo xabsiga dhigay ku dhawaad 100-Haween ah
Maamulka Alshabaab ee gobolka Gedo ayaa xabsiga utaxaabay in kudhaw boqol haweyn kuwaasi oo oo isugu jiro da'dhaxaad iyo duqow lagu soo eedeeyay iney ka hor yimideen amarada Shabaabka ee gobolka Geddo.
Dumarka la xiray ayaa lagu soo eedeeyey in aysan qaadanin dharka loo yaqaano Jalbaabka oo ay xirnaayeen dhar khafiif ah.
Haweynka la soo xiray ayaa qaarkood laga soo qabtay gudaha guryahooda xili ay ku dhax adeeganayeen guryahooda oo ka sameeysan guryo jiingado iyo cariish ah oo aan laheen daash weyn oo laga arki karin.
Ciidamada Shabaabka ee soo xiray kudhawaadka Boqolkaan Haweyn ayaa iyaga dhankooda isku difaacay in dumarkaasi ay qaateen dhar qafiif ah kaasi oo aan asturi karin jirkooda halka marka ay kaxeenayeen ay ku kaxeeyeen dharka ay kusoo eedeeyeen.
Dumarkan xabsiga loo taxabay ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen dadka deegaanka ka soo jeedo iyadoo dadka ehelada u ah dadkan aya waxa ay iyaga ku andacoodeen in ay dumarka la xiray ay wateen dhar asturan oo jirkooda qarinaaya.
Alshabaab ayaa had iyo jeer deegaanada ay ka taliyaan waxey hablaha kunool faraan iney soo xirtaan dhar gaar ah iyadoo cidi kahor timaado amarkoodana marsiiya ciqaab adag.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|