|
Dowladda Kenya oo bilowday baadigoobka 4-ruux oo ka mid ahayd Shaqaalaha Samafalka ee ka howlgala xeryaa Qaxootiga dalkaasi
Mogadishu Sabti 30 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Kenya oo bilowday baadigoobka 4-ruux oo ka mid ahayd Shaqaalaha Samafalka ee ka howlgala xeryaa Qaxootiga dalkaasi.
Colonel Cyrus Oguna oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dawlada Kenya ayaa u sheegay warbaahinta dalka Kenya in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan hawl galo lagu baadi goobayo 4 ruux oo shaqaale samafal ah oo shalay laga qafaashay xero ka mid ah xeryaha qaxotiga wadankaasi Kenya.
Cyrus Oguna waxaa uu xusay in ciidamadooda oo ay kaabanayaan diyaaradaha dagaalka eequmaatiga u kaca ay ka qeyb qaadanayaan hawlo baaritaano ah waxaana uu intaa ku daray inay dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ka wadaaan xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
"Ciidamadeena hadda hawl galo baaritaano ah ayay ka wadaan xadka waxaana hawlgalkadaan qeyb ka ah diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca" ayuu yri Col Cyrus Oguna oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Oguna waxaa uu tilmaamay inay aaminsan yihiin in kooxdii afduubatay shaqalaha gar gaarka aysan wadan gaarigii ay qafaalka ku sameeyeen oo laga yaabo inay lugaynayaan.
Saraakiisha booliska gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in 4,ta ruux ee la qafaashay oo u kala dhashay wadamada Norway, Canada, Pakistan iyo Philippine ay u shaqeynayeen hay’adda gudiga qaxootiga Norway ee NRC la yiraahdo ay ka mid ka mid ahayd xog’hayaha guud ee hay’adda ee gobolka haweeeneyda la yiraahdo Elisabeth Rasmusson oo la sheegay inay ka bad baaday rasaastii ay fureen kooxda wax afduubatay inkastoo aan la sheegin in la qafaashay iyo in kale.
Booliska Kenya waxay ku eedeeyeen afduubkaas Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.
Agaasimaha hay’adda NRC Rolf Vestvik, ayaa saaka u sheegay warbaahinta dalka Norway inay raadinayaan xog ku saabsan halka lala aaday shaqaalahooda la qafaashay.
Xerada Dhadhaab oo xadka Soomaaliya u jirta qiyaastii 62 mile ayaa waxay hoy u tahay dad lagu qiyaaso 500,000 oo qaxooti Soomaali ah kuwaasoo xeradaasi tagayay tan iyo sanadkii 1991,kii xilligaasoo ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|